Shirkadaha Dahabshiil Group Oo Maalgaliyey Munaasibadda Caalamiga Ah Ee Tedx Hargeysa
Ceerigaabo News

Shirkadaha Dahabshiil Group Oo Maalgaliyey Munaasibadda Caalamiga Ah Ee Tedx Hargeysa

February 5, 2018 in Maqaalo, News.  by .

Shirkadaha Dahabshiil Group Oo Maalgaliyey Munaasibadda Caalamiga Ah Ee Tedx Hargeysa

Hargeysa, 05 Feb, 2018 (Himilo)-Munaasibad ay soo qaban qaabiyeen dhallinyaro aqoonyahanno ah, isla markaana ay maalgelisay shirkaddaha Dahabshiil Group ee kala ah Dahabshiil Remittance, Dahabshil Bank, Somtel, eDahab iyo Hyundai ayaa ka qabsoontay magaalada Hargeysa, ujeedkeeduna wuxuu ahaa sidii da’yarta loogu dhiirigelin lahaa inay hiigsato mustaqbal wanaagsan iyo hal-abuur.

IMG-20180203-WA0031Munaasibaddu waxay kulmisay qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana fadhiyey ardey, siyaasiyiin, dhakhaatiir, abwaanno, iyo aqoonyahanno iyo hal-abuur kale. Dadka sida weyn loo wada yaqaanno ee munaasibadda goobjooga u ahaa waxa ka mid ahaa Edna Aadan Ismaaciil, Dr. Bulxan, Jaamac Muuse Jaamac, Xasan Cali Daauud, Cabdikariim Mooge.

Shirkadaha Dahabshiil Group ayaa kusoo bandhigay Munaasibadda Adeegyada iyo waxqabadka Dahabshiil Group, iyadoo isla goobta loogu furayey Macaamiisha iyo marti sharafta Adeegyadda Guud ee Shirkaddaha Dahabshiil Group, Sida eDahab, 4G++, adeegyadda Maaliyadeed ee Baanka iyo Mastercards ka Dahabshiil Bank.

Munaasibadda ayaa ku Bilaabantay Khudbado ay jeediyeen Dr. Bulxan, Jaamac Muuse Jaamac, Nuural Huda Cali Banafas, Cawale Deeqsi, Sami Gabas, Maxamed Yaasiin iyo Xasan Cali Daauud.

Jaamac Muuse Jaamac oo ah qoraa iyo agaasinka Carwada Buugaagta Soomaliland ayaa munaasibadda ka hadlay, wuxuu tilmaamay muhiimadda ay leedahay sidii bulshada looga dhigi lahaa bulsho wax qorta waxna akhrida, halka ay imika tahay bulsho wax dhegeysata oo hadalka wax isugu gudbisa. Wuxuu intaa ku daray in ay muhiim tahay in munaasabadaha caynkan ah oo kale ah la kordhiyo si ay dhallinyarada iyo aqoonyahanku isula jaanqaadaan, da’yartana loogu dhiirigeliyo hiigsi wanaagsan inay hayaan u galaan.

Xasan Cali Daauud, oo u ololeeya arrimaha bulshada wuxuu tilmaamay muhiimadda ay ku fadhido in rajada la wanaajiyo, hayeeshee, rajo keliya aaney duruufaha nolosha miisaami karin, balse ay muhiim tahay in dedaal la raaciyo si neecaw barwaaqo iyo horumar loo gaadho.

Saami Cabdi Gabas, oo ah ganacsade, ahna hal-abuur dhallinyar, oo khudbaddiisa halku-dheg uga dhigay “Hodan noqo hanti la’aan” ayaa tibaaxay in qofku yeelan karo hanti isaga oo aan marka hore wax lacag ah gacan ku haynin, isla markaana ay muhiimaddu tahay in qofku si togan fekerto oo curin iyo hal-abuur yeelato. Wuxuu carabka ku adkeeyey in dhallinyartu aaney cid kale shaqo ka sugin, hayeeshee, ay iyagu isku tashadaan oo ay bilaabaan ganacsiyo ay naftooda iyo saaxiibadoodba ka shaqo galiyaan.

Barkhad Maxamed Kaariye, oo ah wariye ka hawlgala qaar ka mid ah warbaahinta af-Soomaaliga ku hadasha ayaa sheegay in mustaqbal wanaagsan oo uu waddanku gaadho ay ku xidhantahay sida dhallinyaradu uga faa’iideysato wakhtigooda iyo aqoontooda iyo in hiigsiga mustaqbal wanaagsan aan lagu gaadhi karin fadhi iyo hurdo, balse ay tahay in dedaal badan la galiyo, wakhtina loo huro.

Marti sharaf kale oo munaasibadda ka hadashay ayaa da’yarta Somaliland kula dardaarmay in maadaama ay yihiin mustaqbalkii waddanka ay dareemaan masuuliyadda ka saaran sidii ay horumar u gaadhsiin lahaayeen dalkooda. Dadkii munaasibadda ka hadlay waxay ammaan u soo jeediyeen doorka ay shirkadda Dahabshiil ka qaadatay qabsoomidda munaasibadda, waxayna sheegeen in shirkaddu ay markasta u heelantahay sidii hore loogu marin lahaa bulshada ay u adeegto.



Features

More Videos