Taliyaha Qaybta Booliska Ee Gobolka Hawd Oo Ka Hadlay Rag Hubaysan Oo Lagu Qabtay Degmadda Sayla.
Ceerigaabo News

Taliyaha Qaybta Booliska Ee Gobolka Hawd Oo Ka Hadlay Rag Hubaysan Oo Lagu Qabtay Degmadda Sayla.

October 1, 2017 in Maqaalo, News.  by .

Taliyaha Qaybta Booliska Ee Gobolka Hawd Oo Ka Hadlay Rag Hubaysan Oo Lagu Qabtay Degmadda Sayla.

Taliyaha Qaybta Booliska Ee Gobolka Hawd Gashaanle Dhexe Axmed Cabdilaahi ayaa ka hadlay rag hubaysan oo ciidanka amaanka Somaliland ku qabteen deegaanka sayla iyo baargoo inta u dhaxaysay.

Taliyaha Oo Khadka Taleefanka Ugu Waramayay Shabakada Caalamiga Ah Ee hadhwanaagnews ayaa sheegay in raga ciidanku qabteen ay siteen hub culus isla markaasna markii Ay ciidanku ka War heleen ay baadhis badan galeen.

“Ciidanku waxa ay inta u dhaxaysay deegaanadda sayla iyo baargoo dhexdooda ku qabteen laba nin oo ku hubaysan hubka culus waxaana ay ku soo socdeen magaalada hargaysa,anagu markii aanu ka war helnay arintaasi waxaanu daba gurney raadkoodii markaas sidaas ayaanu ku


qabanay.Sidaas ayaa uu yidhi isaga oo u waramayay hadhwanaagNews.
Intaas waxa uu ku daray taliyaha qaybta ee gobolka hawd oo hadalkiisa siiwata.”waxaanu ku qabanay iyaga oo inta ay hubkii xereyeen horfadhiya guri oo shaah loo karinayo ayaa ciidanku ka waregeen sidaasna waa lagu qabtay,ciidankuna baadhis ayay ku wadeen oo hawshaas gacanta ayaa lagu hayaa si dhakhso ahna maxkamadda ayaa loo soo taagi doonaa.

 



Features

More Videos