Kumanaan Rohingya ah Oo Ka Qaxaya Myanmar
Ceerigaabo News

Kumanaan Rohingya ah Oo Ka Qaxaya Myanmar

August 28, 2017 in Maqaalo, News.  by .

Hargeysa(Crb)-Kumanaan qof ayaa ka qaxay guryahoodii markii labadii maalmood ee u dambeeyey qalalaasaha ka taagan gobolka Rakhine ee Myanmar uu sii xoogaystay.
Dad ka tirsan Muslimiinta laga tirada badanyahay ee Rohingya ayaa iyagoo qaxaya ka tallaabay xadka dalkaasi Bangladesh la leeyahay, hase yeeshee ilaalada xuduudda Bangladesh ayaa dadkaas dib u celinayey.
Dagaalkan u dambeeyey wuxu bilawday markii dagaalyahanno Rohingya ahi ay weerareen 30 saldhig oo boolisku leeyay Jimcihii, dagaalkaasina socday ilaa Sabtidii.
Pope Fransis [Baadariga ugu wayn kaniisadda Kaatoliga] ayaa codsaday in la joojiyo dilka iyo cadaadiska lagu hayo dadka Rohingya.
Waxa saaran cadaadis adag oo ku haysta dalka Myanmar ee aqlabiyadiisu tahay Buddhist ka, halkaas oo ay qawmiyadda dalkaa u badani cadaadis badan ku hayeen sannado badan.
Tobanaan kun oo Rohingya ah ayaa hore ugu qaxay Bangladesh oo waxay ku eedeeyeen maamulka Myanmar in ay cadaadis isir takoor ah ku hayaan.
Rakhine waa gobolka ugu saboolsan Myanmar, waxaana degan in ka badan hal milyan oo Rohingya ah.
Tifaftiraha BBC-da ee Aasiya, Micheal Bristow, ayaa se sheegaya in kuwooda xajirka ah ay u suurto gashay in ay cadaadiska dawladdu saartay ka faro muruxsadaan.



Features

More Videos