Chelsea Oo Ka Aargudatay Tothentham Isla markaa kaga gulaystay Capital One Cupkii.
Ceerigaabo News

Chelsea Oo Ka Aargudatay Tothentham Isla markaa kaga gulaystay Capital One Cupkii.

March 1, 2015 in Sports.  by .

Chelsea Oo Ka Aargudatay Tothentham Isla markaa kaga gulaystay  Capital One Cupkii.

Hargeysa (Sport-Crb) Kooxda Chelsea ayaa ku guulaysatay koobka Capital One Cupka kadib markii ay kulanka finalka ee ka dhacay garoonka Wembley Stadium ay ku garaacday kooxda Tottenham. Blues ayaa guushan ku gaadhay gool uu udhaliyay kabtan Terry halka goolka kale uu ahaa mid uu iska dhaliyay difaaca Tottenham ee Walker. Jose Mourinho ayaa kooxdiisa Chelsea koobkii ugu horeeyay kula guulaystay kadib markii uu bishii Juley ee 2013 uu dib ugu soo laabtay Stamford Bridge.

Kooxaha ree London ee Chelsea iyo Tottenham ayaa kulanka finalka Capitalk One Cupka ku kulmay garoonka xulka qaranka Ingiriiska ee Wembley Stadkum.Kulankan oo ahaa mid xiiso badan isla markaana derby ah ayay kooxaha Chelsea iyo Tottenham u dagaalamayeen hanashada koobka Capital One Cupka.

Mourinho ayaa doonayay inuu koobkan ka dhibto barbilawga koobab uu kooxdiisa kula guulaysto isaga oo raadinayay koobkiisii ugu horeeyey tan iyo markii uu Stamford Bridge dib ugu soo laabtay sanadkii 2013.

Chelsea ayaa kulankan ciyaaraysa iyada oo maanka ku haysa in kooxda horyaalka kula tartamaysa ee Man City ay guuldaro xanuun badani ka soo gaadhay kooxda Liverpool, waxayna guuldaradani Chelsea fursad u siinaysaa inay  kulanka u baaqiga ah hogaanka ugu dheeraysan karto 8 dhibcood, taas oo Mourinho iyo kooxdiisa u sii dhawaynaysa hanashada horyaalka ee xili ciyaareedkan.

Mourinho ayaa aduunka ka yaabsaday kadib markii uu Cahill ku bilaabay khadka dhexe ee kooxdiisa, wuxuuna goolka Blues ku bilaabay goolhayaha khibrada badan ee Petr Cech halka uu goolhaye Courtios kursiga kaydka dhigay.halkan ka fiiri qaabka shaxda uu Mourinho kulankan ku soo galay.

Ciyaarta kulankan ayaa ku bilaabatay qaab taxadar badan oo ay labada kooxoodba isla ilaalinayeen inay wax qalad ah sameeyaan.Kadib markii ciyaarta laysku mari wayay ayay ugu danbayn Chelsea hogaanka ciyaarta la wareegtay kadib markii uu daqiiqadii 45aad goolka furitaanka udhaliyay kabtankooda  John Terry kaas oo ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Chelsea hogaanka ciyaarta ugu qabatay.qaybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay iyada oo Chelsea ay 1:0 hogaanka ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Chelsea qaab ciyaareed fiican ku bilaabatay, waxayna abuurtay fursado fiican.Daqiiqadii 56 aad ayay Chelsea heshay fursada ay hogaanka ku dheeraysatay, waxaana markan goolka labaad iska dhaliyay Kyle Walker kaas oo ay ku sii dhacday kubbad uu Costa goolka Spurs ku darbeeyay, waxayna ciyaartu noqotay 2:0 ay Chelsea hogaanka ku dheeraysatay.

Kubbad uu Febregas khadka dhexe ka soo qaatay ayuu si fiican ugu dhiibtay Costa kaas oo isaguna inta uu si fiican kuibbad u habaystay goolka Spurs ku darbeyay, kubbada ayaana ku sii dhacday Walker, waxayna sidaa ku gashay shabaqa Tottenham.

Tottenham ayaan u muuqan inay halis galin karto kooxda Chelsea oo qaybtii danbe ee ciyaarta aad u habaysnayd, waxayna Spurs ku guuldaraysatay inay kala furfurto difaaca xadiidka ahaa ee Chelsea.Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2:0 ay Chelsea guul ku gaadhay isla markaana ay ku qaatay koobka loo tartamayay ee Capital One Cupka.

Koobkan ayaa ah koobkii ugu horeeyay ee uu Mourinho kula guulaysto jiilka cusub ee kooxdiisa Blues, wuxuuna hore u sheegay inuu koobkani yahay koobka ugu muhiimsan. Waxaan leenahay hambalyo Chelsea iyo jamaahiirteeda, sidoo kale hambalyo Mourinho oo ay adag tahay in final laga qaadaa.Gadaal ayaanu idiinka soo gudbin doonaa sawirada marka koobka la gudoonsiiyo Chelsea halkan ayaanad kala socon doontaan Insha Allaah.



Features

More Videos