MADAXWEYNAHA SOMALILAND OO HAMBALYEEYAY AMIIRKA KUWAIT SHEIKH SABAH AL-AHMAD AL-JABER AL-SABAH
Ceerigaabo News

MADAXWEYNAHA SOMALILAND OO HAMBALYEEYAY AMIIRKA KUWAIT SHEIKH SABAH AL-AHMAD AL-JABER AL-SABAH

February 25, 2015 in Maqaalo, News, Videos.  by .

MADAXWEYNAHA SOMALILAND OO HAMBALYEEYAY AMIIRKA KUWAIT SHEIKH SABAH AL-AHMAD AL-JABER AL-SABAH

Hargeysa(Crb):- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isaga oo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Dawlada Kuwait oo u dabaal degidoonta beri (25/02/2015), sannad guurada ka soo wareegtay Maalinta Qaranimada Kuwait awgeed.

Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisan Hambalyada ah u dirayaa Amiirka kuwait Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah iyo guud ahaan shacbiga kuwait oo ah dal iyo dad ay innaga dhaxayso xidhiidh walaaltinimo oo soo jireen ah.

Ugu danbayna waxa uu Madaxweynuhu dawlada iyo sahcbiga reer Kuwait Alle uga baryayaa inuu sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash barwaaqo iyo Rayn-rayn.



Features

More Videos