“DOORASHADA IYO WADA-HADALADA SOMALILAND IYO SOOMAALIYA SHAQO ISKUMA LAHA” WASIIRKA ARRIMAHA DIBADA SOMALILAND
Ceerigaabo News

“DOORASHADA IYO WADA-HADALADA SOMALILAND IYO SOOMAALIYA SHAQO ISKUMA LAHA” WASIIRKA ARRIMAHA DIBADA SOMALILAND

February 25, 2015 in Maqaalo, News, Videos.  by .

“DOORASHADA IYO WADA-HADALADA SOMALILAND IYO SOOMAALIYA SHAQO ISKUMA LAHA” WASIIRKA ARRIMAHA DIBADA SOMALILAND

Hargeysa (Crb) Xukuumadda Somaliland iyo saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, ayaa maanta kulan ay ku yeesheen xarunta wasaarada arrimaha dibada Somaliland waxay kaga wadahadleen sidii looga tallo looga yeelan lahaa wadahadaladaasi oo dhawaan ka furmaya dalka Turkiga.

Kulankaasi oo warbaahintu dibada ay ka joogtay ayaa markii uu dhamaaday waxa faahfaahin ka bixiyay Wasiirka arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis, waxaanu yidhi

“Waxaanu maanta (shalay) halkan ku lahayn shir oo aanu ku soo marti qaadnay saddexadii xisbi qaran ee dalka, waxaana soo marti qaaday guddida qaabilsan wadahadalada Somaliland iyo Somaliya, sidaad ula socotaan wadahadaladii way soo dhawyihiin waxaanan u soo casuunay saddexda xisbi qaran in wixii tallo iyo wadatashi ah aanu la yeelano, aad baanan ugu mahadnaqaynaa saddexda xisbi qaran oo ka soo qaybgalay casuumada aan u fidiyay waxaanan uga mahadnaqayaa afkaarta kala duwan ee ay na siiyeen. Sidaad ula socotaan wadahadalada wakhtigooda waxa leh Xukuumadda Somaliland oo shacabka iyo golayaasha qaranku waxay u xilsaarteen dawlada madaxdeeda inay matalaan xaga wadahadalada, anaga oo tii tixraacayna waxaanu garanay inay muhiim tahay in aanu afkaar kala duwan dhagaysano oo talladooda qaadano oo aanu u sheegno waxaanu u socono aad baanan u wadahadalnay, waxaanan idin sheegaynaa in aanu tagayno wadahadalada wakhtigii loogu tallo galay oo taasina mid naga go’an ay tahay waanan dhagaysanay oo xisbi ka mid ah saddexda xisbi qaran ayaa qudhiisu ku talinayay maadaama oo ay doorashooyinku soo dhawyihiin in la yara hakiyo , sadexda xisbi qaranba waxay isku waafaqasan yihiin in wadahadaladu ay danta Somaliland yihiin, haseyeeshee waxay ku taliyeen in la yara hakiyo inta doorashadu soo dhawadahay, laakiin wadahadalada iyo doorashadu shaqo iskuma laha.”

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed oo halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi “ Anagu xisbi ahaan xubnahayahagii ka soo qayb galay oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha golaha dhexe iyo Xoghayaha guud, xisbiyada qarnka ee kalena way yimaadeen oo tallooyin wixii la siinayayo waa la siiyay oo waanu ku taageernay wadahadalada, waayo muddo dheer baynu ku soo jirnay markii horena wadatashi balaadhan oo noocayada kala duwan ee bulshada Somaliland ay ka tallo dhiibatay ayuu ahaa, waxa laga wadahadlay waxay ahayd in Somaliland ay ujeedo leedahay Somaliya ujeedo leedahay oo lagu adkaysto ujeedadeena odhanaysa gooni isku taaga Somaliland waa muqadis, Somaliyana waxaynu ka wadahadlaynaana ay tahay labada dal oo walaalo ah oo dawladaha geeska afrika ee IGAD ka wada tirsan oo u baahan in aynu jaar wanaag la noqono, wadahadaladuna ay sidoodii ku sii socdaan, waanan ku taageersanahay inay sidaas ku socdaan.”

Ku xigeenka Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) ayaa sheegay in xisbi ahaan ay Xukuumadda ku taageersan yihiin wadahadaladaasi, waxaanu yidhi “Xisbi ahaan waanu ogolnahay inay wadahadaladaasu ay socdaan oo nidaamkii hore ugu socday ay galaan, rutii waanu u sheegnay in wadahadalan Turkiga la soo gabogabeeyo oo aan la tegin, laakiin waxay noo sheegeen oo markii Madaxweynayaasha Somaliland, Somaliya iyo Madaxweyne Geelle ay Jabuuti ku kulmeen in balanta ay hore u galeen oo markaa balantaa ay galeen aanay ka bixin karin.” ayuu yidhi Cabdinaasir Qodax

Sidoo kale Marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo ka socotay Xisbiga WADDANI ayaa halkaasi ka hadashay, waxaanay tidhi “Dood badan ayaanu galnay welina anaga WADDANI ahaan waxaanu taaganahay, maanta wadahadalkaasu waxba inooma soo hoynayo, waxaana fiican in doorashooyinkeenii oo weli aynu salkii u dhigin aynu u soo jeedsano sidii aynu doorasho xor iyo xalaal ah u qabsan lahayn oo wakhtigeediina ku qabsoonta. Wadahadalka kama soo horjeedno, laakiin waxaanu leenahay inaga oo wax wanaagsan oo aynu ka midaysanahay saddexda xisbi, dawlada baarlamaanka iyo shacabka ajande wanaagsan oo loo aayo aynu la tagno, laakiin afartan bilood ee aynu doorashada ku jirno ee aanay weli salka u dhigin ma haboona.”



Features

More Videos