Booliska Kenya Oo Shaaciyay Tirada Dadkii Al-shabaab Ka Dishay Sanadkii Hore
Ceerigaabo News

Booliska Kenya Oo Shaaciyay Tirada Dadkii Al-shabaab Ka Dishay Sanadkii Hore

February 25, 2015 in Diin, Maqaalo, News, Videos.  by .

Booliska Kenya Oo Shaaciyay Tirada Dadkii Al-shabaab Ka Dishay Sanadkii Hore

Nairobi(Crb)- War ka soo baxay ciidanka booliska Kenya, ayaa lagu sheegay in 174 Qof oo Kenya ah gudaha dalkaasi lagu dilay sanadkii 2014-ka, kuwaasi oo ku baxay gacanta Ururka Al-shabaab
Marka loo eego dhimashada dadka 3 sanno ee u dambeeyay Qiyaastani waxay noqonaysaa tii ugu badnayd, waxaanay dawladda Kenya dilkaasi ku eedaysay Ururka AL-shabaab oo mawjado weeraro ah la beegsanayay sanadkii la soo dhaafay.

Sidoo kale, tirakoobkan oo maanta oo Arbaco ah la shaaciyay ayaa lagu xusay in 312-qof lagu dilay gudaha Kenya illaa sannadkii 2012-kii, iyadoo la dhaawacay muddadaas 779-qof.

Xarakada Al-shabaab ayaa markii Kenya ay ciidamadeeda u dirtay Somalia sannadkii 2011, waxay ballan ku qaadday inay weerarayaan dalkaas, iyagoo dhowr jeer ka tallaabay xadka Kenya halkaasna ka fuliyeen dilal iyo weliba qaraxyo qorsheysan.

Waxaa si weyn loo xasuusan yahay weerarkii Al-shabaab ku qaaday Westgate, halkaasi oo dad ku siman 70 Qof ku dhimatay, waxaanay muuqaal ay sabtidii soo saartay Al-shabaab ku sheegtay in Xarumaha ganacsiga Reer Galbeedka ka fulin doonto weeraro la mid ah kii Westgate.



Features

More Videos