MADAXWEYNAHA JABUUTI OO KA DAREEN CELIYAY HANJABAAD KA SOO YEEDHAY KOOXDA AL-SHABAAB “MEEL AY WEERARI KARAAN MA JIRTO”
Ceerigaabo News

MADAXWEYNAHA JABUUTI OO KA DAREEN CELIYAY HANJABAAD KA SOO YEEDHAY KOOXDA AL-SHABAAB “MEEL AY WEERARI KARAAN MA JIRTO”

February 24, 2015 in Maqaalo, News, Videos.  by .

MADAXWEYNAHA JABUUTI OO KA DAREEN CELIYAY HANJABAAD KA SOO YEEDHAY KOOXDA AL-SHABAAB “MEEL AY WEERARI KARAAN MA JIRTO”

Hargeysa(Crb)Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay markii ugu horreysay hanjabaadii Al-Shabaab ee ahayd inay weerarayaan suuqyada ganacasi ee dalalka reer galbeedka, isagoo ku tilmaamay hanjabadaas mid waxba kama jiraan ah.

Wareysi uu siiyay VOA-da ayuu Geelle uga hadlay hanjabaadda Al-shabaab iyo safarkii uu ku tagay Muqdisho iyo Hiiraan, isagoo xusay in casuumaad uu ka helay madaxweynaha Soomaaliya, isla markaana uu ka qayb-galay xuska maalinta Afka Hooyo.

“Meel ay itaal u leeyihiin oo ay ku weerari karaan ma jirto, xilli gabo-gabo ah ayayna joogaan,” ayuu yidhi madaxweynaha Jabuuti oo hadalkiisa ku daray in in dalkiisa uu ka feejigan yahay hanjabaadaha Al-shabaab.

“Arrinta soohdinta markaan ka hadlo koontarool baa jira, lama hakin, waxaa keliya oo lagu soo kordhiyay in si hagaagsan loo baaro gaadiidka, sababta ay ku timidna waa digniinta iyo in taxadar la muujiyo,” ayuu yidhi Geelle.



Features

More Videos