Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Kulmiye Oo Ay Saamaysay Biyo La’aanta Hargeysa Ka Jirtaa.
Ceerigaabo News

Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Kulmiye Oo Ay Saamaysay Biyo La’aanta Hargeysa Ka Jirtaa.

February 24, 2015 in Maqaalo, News, Videos.  by .

Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Kulmiye Oo Ay Saamaysay Biyo La’aanta Hargeysa Ka Jirtaa.

Hargaysa(Crb) Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Somalilan Dr Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay biyo la’aanta saamaynta Adag ku yeelatay bulshada ku Nool Magaalada hargaysa.

waxa uu sheegay in ay wasiir ahaan biyo la’aanta hargaysi ku yeelatay,isaga oo cadeeyay in Todobaadkii uu Hal Mar shubto booyad biyaha.

xukuumada iyo wasiirada somaliland waxa uu ku sifeeyay qaar ku hawlan sidii ay bulshadooda ugu soo saari lahayeen biyo ugana haqab tiri lahayeen,rajo wacana waxa uu ka muujiyay in mashruuca xunbo wayne noqon Doon mid Lagu waraabiyo qaybaha ooman ee hargaysa.

Hortu wax la iskugu Yimaado oo laga hadlo waxa ugu Mudan oo Marka Hore Nabada Marka Xigtana Biyaha,Masuuliyadda Koobaad ee dawlada Muwaadinka ka Saarani waxa weeyaan in ay sugto Muwaadinka Nabadiisa,Hadaanay Nabad Galiyo Jirin Nolol Majirto,Qof kasta oo Muwaadin Ahi Xaq ayuu u leeyahay inuu Biyo Helo Meel Kasta Hajoogee,Am Miye Hajoogee,Am magaalo Hajooge,Waa waajib Saaran dawlada.

Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo Hadalkiisa siiwata ayaa intaas waxa raaciyay.

“Dawladu Am Deeqa Ha u Raadiso Am Qofka Laftiisa Cashuurta Ay ka qaado  Ha ugu Samayso Biyo,Waana Waajib Saaran Dawlada In ay Markasta Biyo U Hesho Muwaadinka,Taas Ayaan Maanta iskugu Nimid Kulan keenan,Sidaad la Socotaana Awooda Dawlada Ma wayna,dadaal Badan ayay kaga jirtaa dalka sidii Biyo loo gaadhsiin Lahaa,Hadana dhaqaalahu waa xadidan yahay.

Dhinaca kale waxa uu wasiirku sharaxaad ka bixinayaa Sida Ay deeqaha Uga Helaan Caalamka iyo Sida Loo gaadhsiin Karo Bulshada ku dhaqan somaliland.

“Marar Badan sidii aynu u helin Lahayn Biyo waxa aynu la kaashana Dadka Deeqaha Bixiya Sida haaya’ddaha Sama Falka ee Madax  banaan iyo ku carabta,lakiin inta badan deeqaha waxa aynu ka helnaa haay’addaha reer galbeedka ah,iyaguna kuwa khayriga ahi ee bariga dhexe waxa ayn inaga caawiyaan cuntada iyo xaga biyaha oo aad iyo aad u muhiim Ah.

Sidoo kale waxa uu ka waramay Biyo La’aanta haysata Magaalada hargaysa oo saamayn ku yeelatay ka wasiir ahaan iyo qorshaha biyaha lagu doonayo.

“Maanta biyahu waa inagu qaali anigu waxaan daganay galbeedka hargaysa,Todobaad walba booyad biyaha Ayaan shubtaa biyo ma helo,lakiin anigu nasiib wanaag biyo waan kari karaa inaan iibsado,waxa lakiin Magaalada jooga dad war-warkooda koobaad yahay biyo ee aanu ahayn Raashin ay dabka saraan,shirkaan biyaa haday helaan dadkaasi maalintaas biyo wanaagsan ayay haystaa kaba kalay Cuntoo.

intaas waxa uu ku daray.”waxaanan rajaynayaa in Magaalada hargaysi wada biyo noqon doonto kolay baahidu markasta way jirtaa lakiin biyo la’aanta hargaysa haysataa madaxwayne iyo wasiirba waxa ku waajib Ah in ay ka hawl galaan.



Features

More Videos