Tababaraha Ku Meel Gaadhka Ah Ee Kooxda Man United Giggs Oo Ku Bariiqday Ciyaartiisi Labaad.
Ceerigaabo News

Tababaraha Ku Meel Gaadhka Ah Ee Kooxda Man United Giggs Oo Ku Bariiqday Ciyaartiisi Labaad.

May 4, 2014 in Maqaalo, Sports.  by .

Tababaraha Ku Meel Gaadhka Ah Ee Kooxda Man United Giggs Oo Ku Bariiqday Ciyaartiisi Labaad.

Hargaysa(crb) -Tababaraha ku meel-gaadhka ah ee kooxda Manchester United ayaa Ciyaartii labaad ee uu kooxdiisa Tababare u yahay la kulmay guulldaradii kowaad, waxaanu guuldarada kala  kulmay kooxda Sunderland, oo ka badisay Manchester United.

 

Ciyaarta dhexmartay kooxaha Manchester United iyo Sunderland oo ka dhacday Garoonka Manchester Untied, ayaa kooxda Manchester United waxa lagaga badiyey 1-0.

Dhinaca kale Giggs oo ahaa Ciyaaryahan muddo aad u dheer ka tirsanaa kooxda Manchester United, Tababare ku meel-gaadh ahna laga dhigay kadib markii kooxda laga eriyey David Moyes oo ku fashilmay inuu kooxda guulo u horseedo, ayaa isla kulankiisi ugu horeeyey ee uu qabto Giggs Tababare kooxda uu u noqdo, u suurtagashay inay Manchester United Norwich kaga badiso 4-0, balse Ciyaartii labaad ee uu Tababaraha u ahaa ayaa guuldaro la baday.



Features

More Videos