Phil Jones Oo La Safray Man United, Scholes Oo Laga Soo Tagay Iyo Alonso Oo Tababar La Qaatay Madrid
Ceerigaabo News

Phil Jones Oo La Safray Man United, Scholes Oo Laga Soo Tagay Iyo Alonso Oo Tababar La Qaatay Madrid

February 14, 2013 in Sports.  by .

Phil Jones Oo La Safray Man United, Scholes Oo Laga Soo Tagay Iyo Alonso Oo Tababar La Qaatay Madrid

Phil Jones ayaa la safray kooxda Manchester United ee habeen danbe wajaheysa Real Madrid, laakiin Paul Scholes ayaa laga soo tagay. Jones ayaa dhaawac uu ka soo gaaray kulankii axada ay ka badiyeen Everton, laakiin waxa uu saarnaa diyaaradii u duushay caasimada Spain.
Ashley Young iyo Jonny Evans ayaa sidoo kale safray, si la mid ah Anders Lindegaard, taasoo la micno ah in Sir Alex Ferguson uu ku dhawaad heysto koox buuxda safarka ay ku tagayaan Spain.
Scholes ayaase ka haray kooxda isagoo la dhibtoonaya dhaawac jilibka ah oo uu qabo.
Dhanka Madrid, ciyaaryahankii hore ee Liverpool Xabi Alonso ayaa la filayaa inuu taam noqdo islamarkaana maanta tababarka ka qeyb qaatay inkastoo shaki la gelinayay taam ahaanshihiisa.
Saxaafada gudaha ee dalka Spain ayaa sidoo kale soo jeedineysa in shan kun taageerayaal United ah inay u safri doonaan ciyaartaas, iyadoo tiro kale oo badan oo bilaa tikidh ah ay halkaas gaari doonaan.



Features

More Videos