Friday 24th of May 2013

news blog logo
news menu leftnews menu right

Polls

Sidaad U aragtaa Webkan
 

Articles

Hanbalyo Aroos: Mudane Wacays Maxamed Axamed iyo Marwo Caasha C/risaaq C/laahi Geele

Read more...
 

 

Halkan Ka Daawo Shirkadaha Dahabshiil Group oo Mashaariic ay ku Horumarinayso Jaamacadaha dalka Maalin Keliya ku Dhagax Dhigtay Afar Gobol

 

Hambalyo Meher mudane siciid mahamed siciid iyo marwo ubax cabdulaahi ibraahim

Read more...
 

 

 

Djibouti Ee Hal Milyan Oo Dollar Ugu Deeqday Biyo-Xidheenka ETHIOPIA , Noqotayna Dalkii Labaad Ee Ku Biira Somaliland Oo Hore Qaadhan Ugu Yaboohday.

Read more...
 

 

Meher Wacan:Hooyo Sacaada Aw-cali Ibraahim

C/kariim cumar xuseen

Read more...
 

Malians living in Ivory Coast protest against a coup in their country during the Extraordinary Meeting of

Read more...
 

 

Gacal Iyo Sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax:Khadar ismacil xusen iyo marwadisa shugri axmed

Read more...
 
Delicious

Facebook

waa quruxdii Sanaag
Shirkadda Dahabshiil oo Marti-qaad kaga Qeyb-gashay Shir-madaxeedka Bangiga Horumarinta Afrika PDF Print E-mail
Written by admin1   
Tuesday, 05 June 2012 14:52

Shirkadda Dahabshiil oo Marti-qaad kaga Qeyb-gashay Shir-madaxeedka Bangiga Horumarinta Afrika Caruusha (Crbo)- Shirkadda caalamiga ah ee Dahabshiil ayaa ka qaybgashay shir caalami ah oo uu qabtay Bangiga Horumarinta Afrika (African Development Bank), kaas oo lagaga hadlay arrimo la xidhiidha dhaqaalaha iyo horumarinta qaaradda.

Shir-madaxeedka Banigaga Horumarinta Afrika ee sannadkan 2012-ka oo maalmihii 28-kii May ilaa 1-dii June ka socday magaalada Caruusha ee dalka Tanzania, kana qaybgaleen inta badan madaxda waddamada Afrika, shirkaddaha waaweyn ee ganacsiga iyo kuwa caalami ah oo ay ka mid tahay shirkadda Dahabshiil oo lagu casuumay Maamulaheeda Guud Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid, waxaanna intii shirkaasi socday lagaga hadlay qodobo ay ka mid yihiin qorshayaasha miisaaniyaddaha, maalgelinta, furfurnaanta ganacsiga qaaradda iyo waxyaabaha kor loogu qaadi karo iyo dhaqaalo-yamxeerida, iyadoo laga duulayo dhibaatooyinka dhaqaale-xumada adduunyada ka taagan. Waxa kale oo lagu lafoguray saamaynta nabadda, cuntada, abaaraha iyo tiknolajiga.

Maamulaha Guud ee shirkaddaha Dahabshiil Group Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid oo shirka ka jeediyey khubad ka tarjumaysa martiqaadka loo fidiyey oo ahaa lacagaha Afrika looga soo xawillo dibadaha, kadib ay noqotay shirkadda ugu baallaadhan ee ka shaqaysa xawillaada lacagta Afrika ka hesho qaaradaha kale ee adduunka, isla markaana la qiimeeyey baaxadda waddamada ay ka shaqayso iyo weliba ammaanada iyo adeegga wanaagsan ee ay bixiso.

Cabdirashiid Maxamed Siciid ka warbixiyey sida ay shirkadoodu uga shaqayso waddamo badan oo Afrika ah ee xawilaadda lacagaha iyo adeegyada Bangiga Dahabshiil ka qabto, gaar ahaana waxa uu faahfaahin ka bixiyey dhulalka Soomaalidu degto iyo kaalinta ay ku leeyihiin hawlaha shaqo-abuurista iyo horumarinta.

Geesta kale, markii shirkaasi dhammaaday waraysi laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-du la yeelatay Maamulaha guud ee Shirkadda Dahabshiil Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid, waxa uu faahfaahin dheeraad kaga bixiyey shirka iyo waxyaabihii lagaga hadlay.

“Shirkan oo sannad walba mar dhaca, dawladaha Afrika badankoodu way ka qaybgalaan oo madaxweyneyaal ilaa wasiirro ayaa yimaada, waxa kale oo ka qaybqaata shirkadaha baayac-mushtariga ah ee Dahabshiil ka mid yahay iyo bangiyada kale ee caalamiga ah, maadaama annagu aannu ku shaqayno bangi iyo xawilaadda lacagahaba waxay noo ahayd sharaf in shirkan oo nalagu martiqaaday ka qaybgalno, halkaas oo aannu ku soo bandhignay shaqooyinka aannu ka qabano Afrika iyo horumarinta dhinaca shaqo-abuurista. Shirkaddo kale oo ajanebi ah oo Afrika u dhashay ama ka socday waddamo ay ka mid yihiin China iyo India ayaa iyaguna ka qaybgalay,” ayuu yidhi Mr. Cabdirshiid.

Maamulaha guud ee shirkaddaha Dahabshiil oo la waydiiyey waxyaabaha ay shirkaasi ka faa’iideen waxa uu ku jawaabay, “Horta shirarka noocan ah mar walba aqoon baa kaaga soo kordhaysa, sababta oo ah warar aanad hore u haynin ayaad ka ogaanaysaa, waxyaalaha lagaga hadlay waxa ka mid ah dhaqaalaha Afrika sida uu waddamada qaarna u horumaray ama uu u korayo, qaarna aannu isbeddelin, waxa la tilmaamay sida dalalka qaar nabaddu cidhiidhiga ugu tahay, sida cuntada iyo wax-soo-saarka ay u saameeyeen dhibaatooyinkan hawada ka jira iyo siyaabaha loo sii horumarin karayo shaqo-abuurista ha noqoto in baayac-mushtariga loo fududeeyo waddamada Afrika sidii ay ganacsiga iyo adeegyadoodaba u fududayn lahaayeen. Sidaad la socotid ganacsigu wuxuu u baahan yahay isgaadhsiin iyo waddooyin hagaagsan, dekeddo iyo madaarro wanaagsan, kuwaas oo dhammaantood ah waxyaabaha shaqada abuura.”

Mar la waydiiyey ujeedada shirka la isugu keenay madaxda iyo shirkadaha ganacsiga Afrika iyo waxyaabaha mid walba doorkiisu yahay, waxa uu yidhi, “Shirkan waxa la doonayey waddamada Afrika ee ka soo qaybgalay ee madaxweynayaasha iyo wasiirradu joogeen inay dhegaystaan afkaarta ganacsatada oo ah in ganacsiga loo fududeeyo sida isku gudubka oo ah sharci fudud in laga sameeyo meelaha shuruucdu adagtahay, in laga taageero dhinaca ganacsiga, maxaa yeelay shirkaddaha ganacsigu shaqo abuuris badan ayey sameeyaan, horumarin ayey ka gaystaan.

Waxyaabaha aannu ka hadalnay waxa ka mid ah waddamada Afrika ee aannu ka shaqayno, adeegyada kala duwan ee aannu u qabano iyo waxyaabaha aannu u baahanahay si aannu dalal kale uga sii shaqayno haddii ay tahay sharci iyo wixii uu nala qaban karayo Bangiga Horumarinta Afrika ee shirka qabanqaabiyey. Markaa runtii waxyaabo badan ayey iyaguna naga koradhsadeen, annaguna aannu ka faa’iidnay.”

Ugu dambayntii waxa la waydiiyey in ka qaybgalka shirka ay keli ku ahaayeen marka la eego shirkadaha Soomaalida iyo in kale, “Runtii shirkadaha ganacsiga ee Soomaalida shirkadda Dahabshiil ayuun baa shirka lagu martiqaaday oo hadal ku lahayd oo arrimahaa dhaqaalaha ka hadashay, shirkado kale oo Afrikaan ahina way joogeen,” ayuu ku soo gunnaanaday hadalkiisa Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid.

 

dahabshiil

Articles

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Read more...
 

Qiimee qofkaaga mudan waa barnaamij qaranqofkaaga mudan waa barnaamij qaran kaas oo ka madax banan siyaasad qabiil iyo qof jeclaysiba   oo loogu tallo galay in lagu abaal mariyo la xuso oo la xasuusto mudo 21 sano ah

Read more...
 

Maxaa dhalinyaradii qalinkoodii ka dhigay mid aan waxtar ulahayn bulshada :w/q: maxamed cali cabdilaahi (salafi)

Read more...
 

Warsaxaafadeed:Hantida Shirkadda Dahabshiil iyo tan macaamiisheeduba waa mid Xafidan:-

Read more...
 

Caqabadaha ku Gedaaman dhallinyarta damacu kaga jiro golayaasha deegaanka

Read more...
 

War-saxaafadeed:Shirkadda Dahabshiil Waxay Iska Fogaynaysaa Wararka La Xidhiidhinaya Isbedelka Maamul Ee Shirkadda Telcom 

Read more...
 

Shirkadda Dahabshiil oo Marti-qaad kaga Qeyb-gashay Shir-madaxeedka Bangiga Horumarinta Afrika

Read more...
 

Guddoomiyaha Sanaag oo ka waramay xaaladda Nabad-gelyo iyo nololeed ee gobolka

Read more...
 

Washington Rain ForestRoobab laxaadle oo todobaadyadii ugu danbeeyay ka da'ayay magalada ceerigaabo buuralayda ku hareeraysan‏

Read more...
 

Gaboose wuxuu siyaasadda ka galay isagoo dhakhtar u noqday Siyaad barre. Wuxuu ka mid noqday xukuumaddiisii iyo xisbigiisii XHKS(xisbiga hantiwadaaga kacaanka soomaaaliyeed).wuxuu siiyay taageeradii ugu badneyd, wuxuu u horey amaan xad-dhaaf ah.

Read more...
 
KELMADDA SHEBEKEDDA CAALAMIGA AH EE ceerigaabo.com Shebekadda ceerigaabo.com waa shebeked madaxbanaan oo loo qaabeeyey design -kii ugu danbeeyey kaana haqab tiraysa wararka dalkaagii hooyo iyo weliba kuwa caalamka, Arimaha Diinta Islaamka,tahniyada iyo Suugaanta. ceerigaabo.com waxay dhamaanba si siman ugu adeegi doontaa dhamaan dadweynaha reer Somaliland iyo Somalia meelkastoo ay joogaan adigoo ka heli doona warar dhexdhexaad ah oo lagu kalsoon yahay. Shabakaddu waxay soo dhaweynaysaa dhamaanba ra’yiyadiina ku wajahan waxyaabaha ka dhacaya wadanka kuwaas oo ay muhiim tahay inaanay wax dhibaato ah yeelan ama *AFLAGAADO balse qofku rayigihiisa uu xor uyahay hadii sida aad wax u aragto aanu isagu wax arkin ama xisbi aad raacsan tahay aanu raacsanayn maaha meelka dhac ama khalad. Sidaas iyo wada shaqayn fiican Mahadsanidiim Maamulka ceerigaabo.com.

Dahabshiil

Banner




Copyright © 2010 Ceerigaabo.com. All Rights Reserved. Designed by Ibraahim Hussein