Shirkada Dahabshiil oo Mucaawimo iyo Adeegyada Casriga Ah ee Shirkada Ugu Deeqday 3000 Qoys oo ku waxyeeloobay Fatahaada Wabiga
- Written by ibro
Shirkada Dahabshiil ayaa sheegtay inay ku darsatay gurmadka fatahaada Mucaawimo kala duwan oo ay ugu talo gashay illaayo 3000 oo qoys, Maamulaha shirkadaasi Dahabshiil Cabdirashiid Siciid Ducaale ayaa isaga oo jooga Imaaraadka uga waramay Mawlid Xaaji Cabdi oo ka socday BBC da waxaana uu ka yidhi Mudane Cabdirashid dhacdadan;
Jawaab: Sidaad u sheegtay dhibaatooyin culusbaa ay keeneen fatahaadahaa dhacay , dad badan oo masaakiina ayaa waxii ay maal iyo xoolo lahaayeen ay khasaaro soo gaadheen, markaa anaga oo ka qayb qaadanayna dadka soomaaliyeed meel ay joogaanba haddii aanu dahabshiil nahay in aanu deeq gaadhsiino dadka dhibaataysan ee magaalada Baladweyne iyo agagaarka magaaladaba u kala qaxay ama kala degay.