ceerigaabo.COM
Daawo: Xildhibaano Ka Tirsan Barlamaanka Spain Oo Iyagoo Afka Xidhan Ku Mudaharaaday Dood Golohoodu Ka Lahaa Xakamaynta Dibad Baxyada –
- Written by a9xcg

Madrid, (crb):- Todoba xubnood oo ka mid ah Koongarayska dalka Spain, ayaa inta ay afka soo duubteen, ku mudaharaaday fadhigii golaha Barlamaanka dalkaasi kaga doodayay shuruuc dawladu soo gudbisay oo xakamaynaya dibad baxyada isla markaana lagu cadaynayo danbiyada ka dhalan kara ku xad gudubka xuquuqda iyo hantida shacabka ama gaarka loo leeyahay.

Mudanayaashan ayaa wallow tiradoodu yarayd haddana ku guulaystay in indha war fidiyeenada ay soo jiitaan, isla markaana doodii golaha hor taalay hakad gasho.

COMMENTS
Latest News