ceerigaabo.COM
Maxay Tahay Baahida Loo Qabo Waddada Ceergaabo?
- Written by a9xcg

 Gobolka Sanaag waa kee:

  • Gobolka Sanaag wuxuu ku fadhiyaa 34% dhulka Somaliland (Somaliland marka 3 meelood loo qaybiyo meel ayaa ah Sanaag)
  • Goboladii Waqooyi Galbeed, Awdal iyo Saaxil oo laysku daray oo u dhigma 25% dhulka Somalilanad ayuu gobolka Sanaag ka waynyahay
  • Xeebta gobolka Sanaag waxay ka dheertahay xeebta Saaxil ilaa lawyo caddo isku xidha
  • Waxa ku taalla buurta Surad/Shimbiris oo xeebta badda cas mar qudha dusha uga kacda 2,460 mitir
  • Waa gobol leh xoolo, beero, bad, dul dalxiis, iyo khayraad dabiici ah
  • Gobolka Sanaag waa gobol aanay marin waddo qudha oo laami ah
  • Waa Gobol la’aantii Somaliland noqonayso sabool

 

Sanaag Road Construction

Waxa ayaandarro weyn ah in axsaabta mucaaridku ay ka soo horjeestaan tallaabo horseed u ah kobcinta dhaqaalaha Somaliland oo wax wayn ka taraysa taabbagelinta qaranimada Somaliland iyo sidii beri ka maalin dalkani uga bixi lahaa saboolnimada. Ma aha xukuumaddu inay sii eegato go’doonimada gobolka dalka ugu weyn uguna khayraadka badan inuu ka maqnaado ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka. Go’doonka gobolku wuxuu caqabad ku yahay jiritaanka Somaliland. Mucaaridka xalkoodu wuxuu noqday yaan dawladdu dhaqaale iyo cashuurba u qaadin dhismaha waddooyinka ee dunida ha loogu baryo tago. Taas oo la macne ah wax dalal shisheeye inoogu yaboohaan mooyaane dadkeenu ma laha caqli uu kula soo baxo khayraadka Ilaahay siiyay. Waxana hadalkoodu isugu soo biyoshubanaysaa yaan waddada Ceergaabo la dhisin; Yaan gobolkaas dalka lagu soo xidhin sidiisaana go’doon ha u ahaado. Yaan waxba la qabane gacmaha ha la hoos dhigto caalamka.

Waxay garanwaayeen istratiijiadda gobolkaasi u leeyahay Somaliland iyo aqoonta ka dambaysa isku xidhka dalka iyo fidinta maamulka Somaliland. Ama way ogyihiin balse waxa uga muhiimsan siyaasaddooda aragtida gaaban ee ah cambaaree oo lugta qabo xukuumadda yaanay dalka waxba u qabane. Qaylada ka soo yeedhaysa waxaba loo qaadan karaa in gobolka Sanaag yahay dal shisheeye. Haddii maanta reer Sanaag laga horjoogsado dhismaha waddada, xaq looguma laha in berri lala qaybsado khayraadka dabiiciga ah ee ku jira gobolka bedka weyn.

Somaliland waa dal u baahan inuu isu muujiyo dadkiisa, caalamkana tuso inaan annagu wax qabsan karno, ciddii wax nagu taraysa ama maalgashanaysana aan soo dhawaynayno. Waa inaynu fahamnaa in gobolka Maroodi Jeex ee magaalo madaxda Hargeysi ku taallo in 75% dalka masaafaddiisu bari ka xigto, sidaasoo kalena 75% khayraadka dalku bari ka yaallo (Togdheer, Sool, Sanaag goboladii laysku odhanjiray). Markaynu innagu u dhaqaaqno waxqabsi ayaa aqoonsigu imanayaa, balse haddii aynu iska fadhiisanno oo aan sugno dalal shisheeye sida mucaaridku ku talinayaan, taa meel ku gaadhi mayno cid inoosoo joogsanaysaana ma jirto.

Waxa mucaaridku ka qayliyay cashuurta kooban ee la horkeenay Golaha Wakiilada, balse dadka ka qaylinaya ujeeddadoodu way ka fogtahay mid loogu tudhayo danyarta. Waxase caddaatay cabsi inay ka qabaan in xukuumaddu ku guulaysato isku xidhka dalka oo dhan, ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah iyo kobcinta dhaqaalaha taasoo aanay xukuumadihii hore ku guulaysan.

Waxay iska indha tireen baahida ka dambsaysa dhimaha waddada Ceergaabo oo aan ku koobnayn sida dadka qaarkii loogu sheegay shacbiga gobolka ayaa loo fududaynayaa safarka. Ujeedaddu way ka fogtahay taas. Dhismaha waddada Ceergaabo waxay dalka u leedahay faa’iidooyin badan oo dhinac dhaqaale, sugidda ammaanka berriga iyo badaha, qaran-dhis iyo maamul fidin iyo yaraynta shilalka ka yimaadda waddo xumida. Faa’iidada dhismaha waddadaas uga soo hoyanaysa Somaliland lama koobi karo. Haddii aan hoos ugu sii dhaadhacno:

Adkaynta jiritaanka Somaliland, iyo xoojinta Dhaqaalaha:

Marka gobol weyn oo go’doon ahaa oo boqolkiiba 34% ku fadhiya masaafadda dhulka ee Somaliland lagu soo xidho dalka intiisa kale waxa kor u kacaya dhaqaalaha dalka iyo ka gobolkaba oo uu ragaadiyay go’doonku. Baayacmushtarka gobolka qayb kamid ahi waxay ku xidhantahay dekeddda Boosaaso oo magaalada Ceergaabo bari ka xigta ilaa 200km, halka Berberi galbeed ka xigto 260km, taasoo xoojisay isticmaalka lacagta giimbaarta ah, dibu dhacna ku keentay lacagtii Somaliland. Wakhtigan oo lacagtii giimbaarta ahayd laga beddelayo waxa dhismaha waddadu fududaynsayaa in lacagta Somaliland ka hirgasho gobolka oo dhan.

Gobolka oo qani ku ah xoolaha nool iyo beeraha, wuxuu korukac u horseedi doonaa tirada xoolaha ka dhoofta dakadaha dalka. Wuxuu gobolku dhaqaalihiisa dib u soo galin doonaa ama uu waydaarsandoonaa ganacsatada dalka intiisa kale. Waxa kor u kici doona maalgashiga gobolka iyo cashuuradaha xukuumadda uga soo xerooda gobolkaas, taasoo suurtogalinkarta in dhaqaalahaas dib loo galiyo gobolka hadday noqoto ammaanka berriga iyo badaha, soo saarista khayraadka dabiiciga ah ee gobolka, beeraha, dhismyeyaasha kal duwan ee dalxiiska sida hoteelada iyo dhismaha madaaro casri oo loo dhiso, dekedo iyo waddo kale oo isku xidha magaalooyinka xeebaha laga soo bilaabo Laas Qoray ilaa Saylac. Waxaan qabaa in dhismaha waddadu ay tahay tallaabadii ugu horaysay ee dhismaha gobolka oo aan hubo inay gacan weyn ay ka gaysan doonaan shacbiga gobolka u dhashay.

Inkasta oo gobolku yahay mid aad u xasiloon haddana isu socodka magaalooyinka iyo tuulooyinka gobolka oo aad u adag ayaa keenay in ciidanka ammaanka, ciidanka qarankaba iyo ciidanka baddaba inay ku adagtahay gudashada xilalkooda oo ammaanka dadweynaha iyo difaaca dalku ugu horeeyaan, taana waxa xil ka saaranyahay oo loo igmaday xukuumadda, mana aha in xukuumaddu u joojiso mucaaridka ka been abuuraya xaqaaiqa jira.

Mucaaridka waa loo dhaamaa jar iska tuurkan waxana u eg inay barbarka ka galaan dhismaha dalka si berri ka maalin ay shacbiga ugu sheegaan inay intii itaalkooda ahayd ka gaysteen kuna barbar taagnaayeen dawladda dhismaha dalka. Balse haddii ay ka hadhaan dhismaha dalka, yaanay ku baaqin nabadgelyo xumo iyo hanjabaad loola jeedo dadka dalka maalgashiga u imanaya sida ka soo yeedhaysa xubno mucaaridka ku jira.

Gebagebadii qaylada mucaaridku kama foga xukuumadda oo lugta la jiido si aan waxba loogu qaban ummadda. Waana ayaandarro in axsaabtaasi dantooda ka hor mariyaan danta qaranka ee ay ku jirto in xukuumaddeenu gaadho xuduudaha dalka, sii adkayso jiritaanka Somaliland oo ay jiilka soo kacayana ay u abuurto shaqooyin.

Mucaaridku ha ku waano qaateen sidii dhibta yarayd ee golaha wakiiladu ku meel mariyay xeerka qaadhaan ururinta waddooyinka. Markay u caddaatay inay keli ku yihiin fikirkooda qaloocan waxa u ekayd inay halkaa kaga hadhaan kuna soo biiraan inta ku hawlan dhismaha dalka.

Waxay u baahanyihiin samir iyo inay dadka isku bartaan talo wanaag iyo lexo jacaylka dalka. Wixii laga arko ayay dadku ugu codaynayaan ama uga codayndoonaan. 17 sannadood oo uu xisbigii UDUB talada dalka hayay, intii hore shacbigu wuxuu dhowrayay waxqabadkooda, dhinaca kalena wixii ay ka baran karayeen axsaabtii mucaaridka ee KULMIYE iyo UCID-na ayay eegayeen. Intii dambe waxa dadka u caddaatay in xisbigii UDUB dalkii hoggaamin kari waayay baaba’na u horseedayo, isla markaa waxay u arkeen in xisbiga KULMIYE iyo madaxweynaha imika ee Axmed Silanyo lagu aamini karo hogganka dalka. Imika shacbigu wuu idin eegayaa caqabadaha xukuumadda aad hordhigaysaanna idinka ayay idinka meel idiin taallaa oo laydinkula xisaabtamayaa marka codbixinta loo dareero. Mucaaridka maantu wuu ogyahay xilligii xukumaddii hore Golaha Wakiilada gudihiisa iyo dibaddiisaba ay dhoobtay ciidankii dalka kana horjoogsatay inay hawshooda gutaan, wakhtigaas oo xitaa xubin kamida UDUB uu baastoolad ula soo baxay golaha, hadday xusuusin u baahanyihiin taariikhda ayay gashay:

Waxaad ogtihiin sidii xukuumaddu magaalada Hargeya uga ridi jirtay qaraxyada uguna eedayn jirtay KULMIYE/SNM baa ka dambaysay. Maanta dadku way arkaan in xukuumaddu tahay mid ka for dhaqamadaas xunxun oo ku dhaqanta sharciga dadkana ka kasbatay kalsooni. Cidda rabshada waddaa ee gacan ka hadal ka ridaya Golihii Wakiiladu waa idinka. Waxaad ka qaylinaysaan cod baa la qaadayaa oo xeer dhismaha dalka looga dan leeyahay oo golaha si sharci ah ku horyimid ayaan diiddannahay in loo codeeyo. Waxaad diiddantihiin in Golaha Xukuumaddu soo jeedin karo talo Golaha Wakiiladuna si xor ah ugu codaynkaro ama ugu diidi karo. Waxaad diiddan tihiin in talo wanaagsani ka soo go’i karto wasiir ka mida Golaha Xukuumadda. Marka aad taa diiddaan sideed u oggolaandoontaan in qof muwaadin ahi idiinla yimaaddo talo wanaagsan? Sidaas dadweynaha cod kaga helimaysaan. Waxa kale oo wax lala yaabo ah idinka oo golaha hogaaminaya oo sharciga yaqaanna ayaad muddo 24 saacadood ka yar doonaysaan inaad mudaharaad ka hordhigtaan golihii aad hoggaaminayseen. Muddaharaadku waa wax muwaadinku xaq u leeyahay laakiin Europe-na kama dhacdo 24 saacaddood baan mudaharaad ku qabanayaa. Waxaan idin leeyahay way idiin shaqaynwayday “danyarta ayaa la dhibaataynayaaye” wax ku qaata aqlabiyaddii laydinkaga batay. Soo raaca dadweynaha jecel dhismaha dalkooda iyo fidinka qarankooda. Shacabku idinkulama socdo horumar-la’aanta. Waxa idiin eg inaad iska dhex saartaan inta idinku jirta ee aflagaaddada milgaha ka baxsan ku qorta warbaahintana.

Xukuumadda: Go’aanka madaxweynuhu ku hirgalinayo dhismaha waddada Ceergaabo waa mid geesimo leh oo aragti dheer, qarankana waxtar weyn oo dhinacyo badan u leh. Waxay xukuumaddu ku ammaanantahay wixii ay qabatay saddexdii sannadood ee ay xukunka haysay. Waxay si gaar ah ugu ammaanantahay siday u tustay jiilka soo kacaya inay suurto gal tahay inaan innagu wax qabsankarno innaga oo aan cidkale sugin. Waxa laydinka sugayaa xukuumad ahaan inaad halkaa ka sii waddaan dhiirrigelinta fikradaha wanaagsan iyo wada shaqaynta muwaadiniinta diyaarka u ah inay dalkooda dhistaan. Haddii Alle idmo waxa ku xigi doonta waddada isku xidha xeebaha dalka Lawyo Caddo ilaa Laas Qoray.

 

COMMENTS
Latest News