ceerigaabo.COM
Wiil yar oo 9 sano jir ah oo muran iyo is qab qabsi weyn uu ka dhex abuurey wadamada Turkiga iyo Holland.
- Written by a9xcg

 

Wiil yar oo 9 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay inuu muran iyo is qab qabsi weyn uu ka dhex abuurey wadamada Turkiga iyo Holland iyadoona ay labasaas wadan ay hadalo kulal isku mariyeen hawada

Wiilkaan yar oo lagu magacaabo Yunus oo 9 sano jir ah una dhashay dalkaas Turkiga laakiinse ku nool dalka Holland oo la nool laba haween ah oo is qaba ama lesbian ah oo u dhashay dalka Holland ayaa waxaa la sheegay in hooyada dhashay wiilkaas yar oo lagu magacaabo Nurgul Azeroglu ay dhawaantaan ka soo muuqatay telefishinka dalkaas Turkiga iyadoo ay ka muuqato caro iyo wel wel ay oo ay qabto xaaladeeda ay codsi u dirtey dowlada dalka Turkiga iyo waliba ra’iisal wasaaraha dalka Turkiga oo ay kaga codsaneyso in arintaas wax looga qabto maadaama uu wiilkeedu la nool yahay qoys lesbian ah ama laba naag oo is qaba ah taas oo ka baxsan diinta iyo dhaqan islaamka islamarkaana uu halis u yahay wiilkeedu inuu ka baxo oo uu dhumiyo diintiisa muslimka ah, taas oo keentay inuu raysal wasaare ku xigeenka dalka Turkigu Bekir Bozdag uu fariin cad u diro dowlada dalka Holland oo uu ugu sheegaayo inaysan aqbali karin in caruur Turki ah loo dhiibo qoys noocaas oo kale ah, Laakiin waxaa arintaas markiisa Jawaab kulul ka bixiyey ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Holland oo sheegay inay howshaan tahay mid u gaara oo u taala dalka Holland faragelinta dowlada Turkigana ay tahay mid aan ku haboonayn oo aanan loo baahneynin inay howlahaas soo dhex galaan.

Ugu dambeyntiina iyadoo hooyadaan Turkiga ah ay wiilkeeda ka muujisay wel wel badan ayaa waxaa kale oo arintaas si aan caadi ahayn uga hadlay warbaahinta dalka Turkiga iyagoona xataa soo gaarey dalka Holland gaar ahaan magaalada Den Haag (Hague) halkaas oo ay ku nool yihiin wiilkaas iyo labada naag ee is qaba ee korsanaayo wiilkaas iyagoona kaamiro qarsoon ka duubay naagahaas oo wiilkaas wata, Hooyadaan oo wiilkaan laga qaatey asagoo 5 bilood jira ka dib markii lagu soo eedeeyey inay jirdil u geysatay ayaa ilaa waqtigaan uu 9 sano jirka yahay waxaa uu la noolaa labadaas haweenka ah ee is qaba, Qolooyinka u dooda xaquuqda caruurta ayaa waxay taageereen inay labadaan naag yihiin kuwo lagu aamino karo korinta wiilkaas oo mudadaas 9ka sano ah ay ayagu gacanta ku hayeen wiilkaas noloshiisa , Dhan kale jaaliyada Turkiga ayaa waxay wadeen maalmahaan mudaaharaadyo looga soo horjeedo arinta wiilkaas iyadoona in ka badan ilaa iyo 50 qoys oo Turki ku nool dalka Holland ay iska diiwaan galiyeen xarumaha caruurta qoysaska korsada iyadoona sidoo kale ay qoysas Turki ah ay codsadeen in loo soo waraajiyo wiilkaas, Laakiin labada naag ee is qabay iyo wiilkii Turkiga ahaa ayaa waxaa la sheegay inay dhuunteen oo ay is qarinaayaan, Ra’iisal wasaaraha dalka Turkiga oo todobaadkaan booqoasho ku imaan doono dalka Holland ayaa waxaa la filayaa in wadahadaladiisa ay ku jiri doonaan arinta wiilkaan iyo wax laga yeeli doono

COMMENTS
Latest News