ceerigaabo.COM
CAJIIB !!!!! Nin Maraykan Ah Oo Xaaskiisi Dilay Ka Dibna La Soo Xidhiidhay Xarunta Telefishan Oo U Sheegay Inay Qaataan Warka Dilka Xaaskiisa Oo Xaqiiqo Ah
- Written by a9xcg

Washington, (Crb):- Nin Maraykan ah oo lagu magacaabo, Tony Battett, ayaa la soo xidhiidhay xarunta telefishanka degaanka (Local), ee (COMO), ka dibna u sheegay inuu u hayo war xaqiiq ah oo dhacay kaas oo uu doonayo inay baahiyaan, waxaanu intaa ku daray in warkaasi yahay dilka uu u gaystay xaaskiisi.

Ninkan ayaa markii uu telefoonka u soo diray telefishankaas u sheegay in war xaqiiqo ah uu u hayo isla markaana doonayo inay baahiyaan, kaas oo markii la waydiiyay uu sheegay inuu xaaskiisi ku dilay

hudheel ku yaala degaanka Pierce ee magaalada washington, sidaa daraadeed uu doonayo inay warkaas u baahiyaan kuna sii daayaan boga shabakada xidhiidhka bulshada ee Face book.

Arrintan oo aad uga yaabisay ayaa maamulka telefishankuna la xidhiidhay booliska, kuwaas oo iyaguna si la mid ah telefishanka ula yaabay, laakiin markii la baadhay la ogaaday in warkaasi run yahay waxaana maydkii xaaska ninkaas laga helay halkii uu sheegay in uu ku dilay.

Sida telefishanka degaanka ah ee (Como), ku waramay ugu danbayntii waxa uu warkaasi noqday in loo baahiyo sidii ninkaasi doonayay, waxaanu noqday in wariyihii akhriyayay uu sidan u akhriyo, ?Waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa dil, ka dhacay degaanka Pierce ee magaalada Washington, dilkaas oo ninkii gaystay uu nagu soo war galiyay, ka dibna si buuxda noogu cadaaday ka dib markii boolisku helay maydka Sarah Barrett.

Sarah Barrett ayaa iyadu dhawr jeer oo hore ninkeeda uga cabatay booliska, kana dalbatay in laga qabto, haweenaydan uu ninkeedu dilay ayaa hore booliska ugu war galisay in ninkeedu garaacay iskuna dayay inuu dilo, laakiin ay u suura gali wayday, waxaas oo dhibaato ahina waxay ka dhasheen, haweenaydan oo ninkaas ka dalbatay inuu furo, taas oo soo gaba gabayn lahayd is qabitaankoodi muddo todoba iyo labaatan sanadood ah ay lamaanahani isku qabeen.

Lamaanahan ayaa isku lahaa sadex carruur ah waxaanay is qabeen sida telefishanku sheegay muddo, 27-sanadood ah, hasa yeeshee waxa uu mustaqbalkoodi ku dhamaaday in ninkii reerkaas lahaa uu khaarajiyo xaaskiisi ka dibna la soo xidhiidho telefishan isagoo ka dalbanaya in warkaasuu isagu xaqiijinayo ee runta ah ay baahiyaan.

COMMENTS
Latest News