ceerigaabo.COM
Libaax dilay Haweenay ku sugneyd Xero lagu xanaaneeyo Xayawaanka oo ku talla dalka Mareykanka
- Written by a9xcg

California(Crb)–Gudoomiyaha gobolka California ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in libaax dilay haweenay ku sugneyd xero lagu xanaaneeyo xayawaanka uu baxsaday.

David Hadden,oo ahaa baarihii sababta haweenayda u dhimatay ayaa sheegay in dadka baarayaasha ah ay aaminsan in libaaxa uu weeraray haweenayda uuna dilay Dianna Hanson,iyadoo oo ku jirtay sadiifinta beerka libaaxyada.

Haweenayda oo la xaqiijiyay inay tahay 24 sano jir ayaa dhimatay waxaana libaaxa uu ka jibiyay qoorta,sida gudoomiyaha gobolka California uu sheegay.

Booliska gobolka ayaa sheegaya in Ms Hansona uu soo gaaray dhaawac daran,kadib markii uu libaaxa qoorta ka jibiyay.

“Libaaxa wuu quudanayay,haweenaydana goobta ayay nadiifinaysay,wuxuu ku jiray libaaxa meel kooban,albaabka beertana wuu furnaa ,waxayna u sahashay in libaaxa uu ku baxsado cagahiisa”ayuu yiri gudoomiyaha gobolka California.

Gudoomiyaha gudigii baarayay dhacdada ayaa sheegay in qaniinyo iyo calaamado laga helay jirkeeda markii ay dhimatay kadib markii libaaxa uu qoorta kaga jaray.

COMMENTS
Latest News