ceerigaabo.COM
Dawlada Kenya ayaa Laga Dareemaya Cabsi ah In Hilibka Dameeraha Sidii Hilib Lo’ad loo Isticmaalo
- Written by a9xcg

Iyada oo wadamada Yurub ay hareysay fadeexada ah in hilib fardaad loo iibiyo sida hilibka si dadka loogu qaldayo ayaa dalka Kenya waxaa xilligaan ka jirta cabsi xooggan oo laga qabo in hilibka dameraha isna sida hilib lo’aad loo isticmaalo.

Police-ka Kenya ayaa waxa ay u gaarsanayaan dadka ka shaqeeya howlaha laxariira warshadeynta hilb lo’aadka iyada oo labaarayo in ay dameera ku daraan hilibka ay warshadeynayaan, inkasta oo wali aan lahelin cadeyma muujinaya in arintaai ay jirto.

Dadka qaar oo su’aalalagaa weydiiyay hilib ay cuneen in uu dameera yahay ama Lo’ ayaa waxa ay kujawaabeen in aysan wax badan kala socan waxa uu yahay.

Saraakiisha police-ka ayaa waxa ay sheegeen in arintaani sida ugu dhaqasaha badan ay war uga keeni doonaan, waxaana hadii shakigaani uu cadaado dhibaata badan soo wajihi doontaa shariikado ku shaqeysan jiray warshadeynta hilib lo’aadka.

COMMENTS
Latest News