ceerigaabo.COM
Cabitaanka Biyahu Waa Caafimaad
- Written by a9xcg

Hargaysa (Crb) Si aad u noqoto qof jir ahaan is heysta oo nashaadkiisu wanaagsan yahay haddii aad tahay qof Ciyaartoy ah ama qof caadi ah oo doomaya inuu jirkiisu dhisnaado waxaa timid latalin caafimaad oo Khubarada caafimaadku ku boorinayaan dadka inay sameeyaan.

Jimicsi yar oo aad sameyso maalin waliba waa arrinta loo baahan yahay si jirkaadu u helo nashaadka uu u baahan yahay, laakiin waxaa kaloo muhiim ah in cabista biyaha ay noqotay mid faa’iido balaaran oo caafimaad u leh qofka marka si wanaagsan loo helo oo aanu qofku sugin inta uu haraad badani ka qabanayo.

Khabiirro baaritaan sameeyay oo Jarmal ah ayaa sheegay jirka ugu wanaagsan waxa ugu muhiimsan ee lagu quudin karo ay tahay cabista biyaha iyadoo qofku cabayo waqti go’an iyo xadi go’an oo biyo ah, haddii qofku maalin kasta jimicsi sameeyo sida orod socod boobsiis ah, Baaskiil wadid, Buuraha koro iwm waxay muhiim u tahay inuu jirku noqdo mid is heysta, sida la ogyahay jimicsiga qofku sameey waxay sare u qaadaa heer kulka jirka iyadoo markaas uu shaqeeyo nidaamka jirka uu kula falgalo dabeecada dibadda qabow iyo kuleylba.

Jirka bani-aadamka ayaa u baahan inta u dhaxeysa Liitar ilaa Liitar iyo bar biyo ama cabitaan ah marka uu sameeyo jimicsiyada kala duwan, iyadoo dhididka qofka ka baxaya dib loogu baahan yahay in macdanaha ka baxay jirku u helo gaar ahaan Sodioum iyo Botasiom.

Jirka wanaagsan waxaa leh qofka biyaha sida fiican u caba, waxaa kaloo dadka lagu waaninayaa inay badsadaan Khudaarta iyo cabitaanada khudaarta laga sameeyo oo iyaguna ahmiyad gooni ah leh.

Ogow mar kastoo ayaa badiso jimcisi ama ciyaaraha kala duwan ka qeyb qaadato waxaa kordhaya baahida aada cabitaanka u qabto, waxaana qofka haboon inuusan biyaha iyo cabitaanka mar kaliya isku halqin ee si kabashooyin is daba joog ah u cabo, waxaa l ogyahay sida qofku u biyo cabis badan yahay ayuu caafimaadkiisu u wanaagsan yahay, ha moogaan inaad cabto biyo nadiif ah iyo cabitaanada kale ee ay ku jiraan Fitimiinada aanu jirka ka maarmin.

COMMENTS
Latest News