ceerigaabo.COM
- Written by a9xcg

Argentina(Crb) Gabadh u dhalatay waddanka Argentine ee Koonfurta America magaceedana la yidhaa Edith Cascas
 Gabadhan u dhalatay waddanka Argentine e ku yaala Koonfurta maraykanka magaceedana la yidhaa Edith Cascas,da;deeduna tahay 22 jir ayaa dhaafay guursatay nin lagu magaaco Victor Cingolani oo isaguna u dhashay dalka Argentine kaasoo lagu xukumay inuu gaystay dilkii walaasheed,

Ninkan ayaa  sanandkii 2010 lagu helay dembi ah inuu dilay gabadh lagu magacbo Johana Cascas oo la dhalatay gabadha uu guursaday,waxaana lagu xukumay 13 sanadood oo xadhiga,balse Edith ayaa aaminsan in ninkani aanu dilin walaasheed oo uu yahay nin la iska xidhay sidaana ay ku guursatay.

Victor ayaa xabsiga laga soo daayay si ku meel gaadhnimo ah si uu uga qaybgallo xafaladda meherkiisa,balse isla markii xafladu dhamaatayba dib loogu celiyay xabsiga.

Dadweyne tira badan ayaa yimid goobta xafalada meherku ka dhacaysay iyagoo ku tuurayay dhagaxaan iyo beed kana soo horjeeday in ninkaa wax dilay guursado,balse kumay guulaysan inay joojiyaan xafladaa meherka.

 Waalidka dhalay gabadhan aroosada ah ayaa isku dayay inay joojiyaan xaflada meherka waxaanay codsi joojin ah u direen maxkamada hase yeeshee kumay guulaysan,balse aabaha dhalay oo warbaahinta la hadlayay ayaa yidhi inantaydii  Johana oo markii dilku dhacay ahayd 19 waxay joogtaa meel fiican,balse gabadhayda kale ee Edith waxay la joogtaa  shaydaan,labadooduna way iga dhinteen sidaa ayaan ku waayay labadaydii hablood.

 

 

COMMENTS
Latest News