ceerigaabo.COM
Layaabka Aduunka:Nin Soomaali Ah Oo Shaaca Ka Qaaday In Uu U Tartamayo Qofka Ugu Foolxumada badan Dunida
- Written by a9xcg

Nin kan somaliga ah ayaa shaaciyey in uu u tartamidoono qofka ugu foosha xun dunidda oo uu qirsan yahay sida uu sheegay in uu yahay shaqsiga ugu foosha xun dunidda sidda uu isagu yidhi.
Nin kan oo la sheegay in uu yahay nin degan mid ka mid ah tuulo ku taala Gobolada dhexe ee koon furta somaliya,ayaa uu u sheegay wakhti  sii horaysay qaar ka mida saxaafada soomalida,oo uu  u xaqiijiyey in uu jeclaan lahaa in uu u tartamo jagadan  qofka ugu foosha xun dunidda  isagoo sheegay nasiib daro majirto somaliya meel lagu qiimeeyo oo kama jiraan dad arrimahan oo  kale daneeyaa isla markaan  diiwaan galiya waxyaabaha noocan oo kale ah.
Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horaysay ee qof Somali ahi uu ku dhawaaqo in uu yahay qofka ugu foosha xun dunidda in kasta oo aan la ogayn in uu jiro  qofkale oo Somali ah oo kula tartamaya jagadan ,balse nasiib daro majoogo meel lagu qiimeeyo dhacdooyinka noocan oo kale ah maadaama ay dagaalo  iyo dhibaatooyin ay ka jiraan somaliya uu ku noolyahay.

COMMENTS
Latest News