ceerigaabo.COM
Haweenay Hinaase Gurigeedii Uga Soo Carartay Oo Shil Gaadhi Gashay
- Written by a9xcg

Dalka Urdun ayuu gaadhi ku jiidhay Haweenay la sheegay inay gurigeedkii ka soo carartay iyada oo Hinaase la soo dartay ayuu gaadhi jiidhay. Shilka ku dhacay Haweenaydan ayay wargeysyada Dalka Urdun kasoo baxa ay magaceeda ku sheegen ‘’Xasiina’’ taas oo ay dhalashadeedana ku tilmaameen inay ka soo jeedo dalka balse waxa ay deegan ku ahayd Dalkaasi Urdun.
Shilka gaadhi kadib waxaa goobta soo gaadhay Ciidamado sita Gawaadhida Ambalasta waxa ayna durbadii Meydka Xasiina ula carareen Cusbitaalka Hase yeeshee Muddo kadib Reerka Xasiina oo soo gaadhay Cusbitaalka ayaa sheegen in Xasiinay ay hoygeeda kasoo baxday xilli Saqdhexe oo habeennimo ah waxa ayna ahayd Hinaasaysan oo mudooyinkii u dambeeyey buuq ka dhex-taagna gurigeeda, sida qoyska Xasiina ay sheegeen.

COMMENTS
Latest News