ceerigaabo.COM
Bisha Ramadanaa Fursada Ayay u Tahay Dhalinyarada iyo Waayeelba
- Written by a9xcg

Illaahay ayaa mahadle illaaha bisha Ramadaan ka dhigay mid ajar iyo wanaag laga faa’iidaysto leh, Nabigeeni maxamed ahaa (N.N.K, H) hanuunka iyo liibanta iyo ehelkiisa iyo asxaabtiisa iyo cidii wanaaga ku raacday ilaa maalintay muuminiintu farxayso.

Hadalkayga adiguu kugu socdaa waa hadal walaal ku jecel, waa hadal uu yidhi qof la jecel wanaaga saaxiibkii, isagoo u rajaynaya liibaan iyo wanaag, bal indhahaaga u fur qoraalkaygan, kalmadahaygana u fur qalbigaaga, cida ku waaninaysana hadaad ku aragto wax ceeb ah indhaha hala sii raacin, hadii aad ku aragto wax khayr leh ka qaado  adugu wakiil kama tihid.

Walaal adigu maxaad ugu tala gashay naftaada bisha Ramadaan? Waa bil khayr badan lana furo albaabada janada oo lana xidho kuwa naarta  shayaadintana silsilado lagu xidho illaahayna adoomadiisa wanaagsan naarta ka xoreeyo, ma go’aansatay in aad toobad keento, ma niyaysatay in aad ka takhalusto ama aad faraha kala baxdo dhamaan xumaanta si uu illaahay kugu furo xaashi cusub, ma diyaarsatay barnaamijkaagi cibaadada ee maalin laha ahaa inta bisha ramadaan, maxaase aad ku qaabilaysaa ayaamaheeda iyo habeenadeeda, in su’aalaha jawaabo dhab ah loo helo waa lagama maar maan naftana si dhab ah loogu qanciyo si aanay bisha ramadaan  nooga bixin inagoo bilaa cibaado ah oo aanay inooga noqo ayaamaheeda iyo saacadaheeda boodh  la afuufay.

Ka Bilow Toobada: Walaal waxa aan kugu waaninayaa in aad ka bilowdo toobada, toobadu waa bilowga iyo dhamaadka dariiqa toosan waana halka ay ka bilaabayn safarkooga adoomada illaahay u soo noqonaya, toobadu maaha mid looga baahan yahay ama ku waajib ah dadka illaahay caasiyay ee laakiin waa mid qof kasta oo islaam ah looga baahan yahay Rasuulkeeni suubana (CSW) oo dadka ugu khayrka badnaa waxa uu yidhi (Dadow illaahay u toobad keena anigu maalintii waxa aan toobad keena 100 jeer) sidaa laajigeed ayuu illaahay (SW) uu amray adoomadiisu in ay toobad keenan “Illaahay u toobad celiyay dhamaantiin kuwa muumiinta ahow waydu liibaniye”[al nuur-31]

Dhamaantee waynu danbaabnaa khaladna waynu galnaa bal waa kee ka inaga mid ah ee aan gafin? ma waxa jira mid inaga mid ah oo aan danbaabin? ma waxaanu leenahay mid aan illaahay caasiyin?, illaahay (SW) waxa uu yidhi “illaahay xumaan kanasahnaye Danbiyada wuu dhaafa, gacantiisa ayuu soo fidiyaa habeenkii si uga danbi dhaafo kuwa khaldamay maalintii, waxa uu soo fidiyaa gacantiisa maalintii si ay uga tooban keenaan kuwii gafay habeenkii, illaahay waa uu Ku  farxaa  kuwa toobad keena toobadooda, illaahay wuu ka xumaada kuwa caasiyiinta ah camaladooda, illaahay waxa uu u yeelay toobada albaab ku yaal dhinaca cadceedka dhaca oo baladhkiisu yahay in loo soconayo afartan sanadood, lamana xidho  ilaa inta ay cad ceedu ka soo baxays” waxa soo wariyay axmed iyo tarmidi.waxayna yidhaaden waa xadiis xasan oo saxeex ah.

Walaal toobadu waa mid sahlan oo fudud oo aan lahayn dhib iyo mashaqo waa dunuubta oo aad ka mancido naftaada adigoo ka murugooda wixii kaa tagay iyo adigoo go’aansada wixii danbe   in aad dib ugu noqon.

AHMIYADA WAKHTIGA: Walaal marka aad ka murugoodto waxa kaa tagay ee aad khilaafto xumaanta, mustaqbalkana in aad xumaaangasho ay suura geltahay, waxa kuguu waajib ah in aad garato ahmiyada wakhtigu leeyahay, wakhtiga imika aad haysata waxa uu u dhaxeeya wakhtigii kaa tagay iyo ka soo socda, hadaba hadii aad dayacdo imika waxa aad dayacday wanaag iyo liibaan wixii aad heli lahayd hadii aad laakiin xafido oo aad ka faa’iidaysato wakhtigaaga waad liibaanaysaa.

Ibnu Qiyam waxa uu yidhi:- Waxa aan arkay dadkoo wakhtigooga aad u dayacaya habeen oo dhana hadal aan faa’iido lahayn ama akhrinayaa sheekooyin lagu soo jeedo, maalin oo dhana hurdaya ama wabiga furaad hareerihiisa fadhiya ama suuqa dhex wareegaya waxana aad mooda in ay saran yihiin doon iyo wixii war ah ee markaa ay hayaan in yar ayaa fahansan macnaha.

Ibnu Qiyam waxa kaloo uu yidhi: – Waxa inala gudboon in aynu garano sharafta wakhtigu leeyahay oo aynaan dayicin wax yarna arimahana aan u kala horaysiino sida ay u kala mudan yihiin qof iyo ficilba waxanu doonaynaan uu ahaado wanaag.

Hadaba qofku marka u garto qiimaha wakhtigu leeyahay wuu dadaalayaa hadii kale wuxuu ku baraarugayaa xili aan garashadu wax u tareen, qofka cibaadaysata intuu nool yahay wuu sii soconayaa xasanaadkiisu marka uu dhinto.

MUUQALKA DADAALKA:  Dadkii hore ee wanaagsan, muuqalka iftiimaya ee laga dheehan karo sida ay cibaada ugu dadaali jireen adoomadii hore ee salixiinta ahaa marka aad eegto waxay ku dhaxalsiinaysaa in aad hami aad u sareeya aad ku qaabisho cibaadada, Nabigu (CSW) lugaha ayaa bararay sidii u tukanayay markii la yidhi adiga danbigaagi hore iyo kii danbe waa la dhaafay waxa uu yidhi miyaan ahayn adoon mahad naqleh, abu bokor sidiiq (RC) waxa uu ahaa nin oohin badnaa alleh ka cabsi dartii gaar ahaan salaada marka quraanka la akhrinayo, Cumar binu khadaab (RC) ilmada indhiisa ka soo dareertaa laba khad ayay wajigiisa ku lahayd oo ka muuqtay, cismaan binu cafaan (RC) waa asxaabtii isagoo tukanaya ragcad salaad ah ku dhameyay quraanka, Cali binu abu daalib (RC) wuxuu ka ooyi jiray halkuu ku tuganayo ilaa ilmadu ay qayso gadhkiisa wuxuuna odhan jiray:- Aduunyoy cid aan aniga ahayn lugoo waxan kugu furay sadex dii dalaaqood oo soo noqosho lahayn, Qataata waxa uu dhamayn jiray quraanka todabaad kasta ramadaantii sadex jeer, ramadaanta tobanka danbena habeen kasta. Sufyaan ilmo dhiig leh ayaa ka timid sidii uu illahay alle ka cabsi dartii u ooyay, Siciid binu Musayb wuxu laasimay maajidka 40 sanadood ayuu salaad kasta la tukanayay jamaca.

Walaal waad ogtahay in ganacsatadu ay dadaal badan ay sameeyaan inta karaan kooga ah si ay uga faa’iidaystaan in ay maraan dariiqa kasta oo ay isleeyihin faa’iido badan ayaad ka helaysaa, hadaba miyay adiga kula gudboonayn in aad dadaal aad samayso oo aan lagaaga dheeren adeecida illaahay iyo camalada wanaagsan si aad ugu foosto faa’iido wayn iyo abaal marin xaga illaahay ah, bisha ramadaana waa fursad wayn oo waajib tahay in laga faa’iidaysto, faa’iidadayduna kama qarsoona dadka wax garadka ah, waa bishii danbi dhaafka liibaanta iyo janada iyo naarta oo laga xoreeyo cida qalbigoogu saafiga yahay jisadkooguna toosan yahay ee wakhtigooga ku dayicin waxa dhib u keenaya, walaal waxa ku tilaamayaa wax ayaabaha kaa caawin kara in aad ka faa’iidaysto bishan oo aad ku buuxiso camalada waanaagsan.

1. Soonku waa cibaado ee maaha caado Nabigu (CSW) waxa uu yidhi (Qofka sooma isagoo rumaysan waxa illaahay u balan qaaday kuwa sooman illaahayna ka rajaynaya abaal marintaa waa laga dhaafa wixii danbi hore uu galay) isagoo ku doonayn magaca iyo maamus ama maal iyo waji ee illaahay dartii u qabanaya wuxuu uu qabanayo.

2. Ramadaantu waa nimco ay nagu waajib tahay in aan illaahay (SW) aan ku mahadino walaal, waxa jira kuwa badan oo moodku haleelay intaanay bisha ramadaan soo gaadhin oo camalkoogi joogsaday xaashidoodina la laabay oo karayn in ay la yimaadan xasanaad kaliya wanaagna aan fari Karin haba yaraadee, walaal hadii uu illaahay nagu simay cimrigeena bisha barakaysan, illaahayna ina garansiiyay in aynu la nimaadno camalo wanaagsan waa nimco wayn oo waajib ay nagu tahay in aynu illaahay  ku mahadinaa illaahay ayaa mahadle.

3. Hurdada iyo soo jeedka. walaal hadaad maalintii ku dhamaysato hurdo habeenkiina aad ku dhamaysato dheel dheel iyo soo jeed waxa naftaada aad ka manciday ajar wayn bisha ramadaana waxay ay baxaysaa adiga faro madhan ka taagan. walaahibaan ku dhaartee waa ayaamo tirsan iyo habeeno markhaati ah, aynu ku dadaalno illaahay adeecidiisa iyo cibaadadiisa si aynu beri ugu liibano macaanka iyo nimcooyinka illaahay, waxaad iska ilaalisaa bisha ramadaan in ay ku dhaafto adigoo iska war ahayn.

4. Quraanka iyo akhriskiisa bisha ramadaan waa bishii quraanka dadkii hore ee wanaagsana marka ay soo gasho bisha ramadaan waxay ku dadaali jireen quraanka akhriskiisa oo ay ka horaysiin jireen cibaado kasta ilaa qaar ka mid ah laga soo wariyay in habeen kasta quraanka dhamayn jireen, hadaba aynu ku dadaalno quraanka iyo akhriskiisa bisha ramadaan inagoo u akhrinayna si degan oo qushuuc leh macnayaasha uu xamarsan yahayna u fiirsanayna in aynu dhoorno axkaamta akhriska quraankana intaynu kari karno.

5. Salaatu laylka waa sune la adkeeyay tii intaanay bisha ramadaan ayna soo gelinba bisha ramadaana aad ayaa loo adkeyay, salaadaha tarawixdana ee dadku  tukanayaa masaajidada waxa inala gudboon in aynu ilaalino dhamaystirkeeda ilaa inta iimaamku ka baxayo salaada Nabigu (CSW) waxa uu yidhi:- (Qofka la tukada iimaamka ilaa intuu dhamaynayo wuxuu la mid yahay qof habeenkoo dhan illaahay dartii u tukanayay) waxa soo wariyay ahlun sunan tarmiidina waxa uu yidhi waa saxeex.

6. Sadaqada  bisha ramadaan waxay leedahay fadli badan oo ayna lahayn bilaha kale markaa waxa kula gudboon in aad ku dadaasho wax bixinta oo ay ka mid tahay afurinta kuwa sooman iyo wixii la mid ah.

7. Afurinta dadka sooman ku dadaal in aad afuriso kuwa sooman oo aad wax siiso masaakinta iyo foqarada Nabigu (CSW) waxa uu yidhi (Ninka afuriyay qof sooman illaahay waxa uu siiya ajarkiisa oo kale).

8. Laasimida masaajidka walaal masaajidku waa baqcada ugu khayrka badan dhulka ku dadaal salaada jamaca in aad masaajika kula tukato oo aad salaadba salaad ku sugto oo ayna sunayaashu ku dhaafin taasi waxay kugu waajibinaysaa jacaylka illahaay, illaahay (SW) waxa uu ku yidhi xadiisu qudus “Adoonkaygu ku suuli maayo in uu iigu soo dhawaado sunayaasha ilaa aan jeclaado”  waxa wariyay bukhaari.

9. Cimraysiga bisha ramadaan, bisha ramadaan cimradaydu waxay leedahay fadli badan Nabigu (CSW) waxa uu yidhi (Cimrada bisha ramadaan waxay u dhigantaa xaj ama qof aniga ila xajay oo kale) waxa wariyay bukhaari.

10. Tobanka danbe walaal dadaalkaagu ha ahaado mid ka badan dadaalkaagi hore Nabigu (CSW) waxa uu ahaa marka ay tobanka danbe soo gaadho waxa uu baraarujin jiray ehelkiisa wuxuuna noolayn jiray habeenada danbe, guntiga ayuuna u adkaysan jiray (waa la isku waafaqay)

11. Laylatu qadriga waa habeen aad u fadli badan weliba waxa  la isku waafaqay in uu tobanka danbe ku jiro gaar ahaan habeenada ah witriga, waa in la nooleyo habeenadada iyadoo la badinayo cibaadada salaatu laylka, akhriska quraanka ducada iyo waxyaaba kale daacadka illaahay, abaal marinta cibaadada habeenkani waxay ka fadli badan tahay, cibaadada 1000 bilood.

12. Ilaalinta indhaha, ilaalinta indhuhu waa cibaado cid la timaada ay yartahay maaha in indha lala raaco wax illaahay naga xaarantimeyay.

13. Xuska illaahay waxa inala gudboon markasta in aynu ahaano kuwa illaahay xasuusan, kuwa illaahay xasuusan ayaa ku liibanay khayrka aduunyo iyo ka aakhiroba.

14. Baryada illaahay ducadu waa cibaado waxayna daliil u tahay daciif nimada qofka iyo siduu markasta u baahan yahay illaahay.

15. Cigtikaafka masaajidka oo la laasimo qofka oo u oga illaahay adeecidiisa ha iska dayicin saacadaha aad ku jirto citikaafka, waxa laga yaaba in uu ka fadli bato qofka aan masaajidka aan citikaafin.

16. Cuntada iyo cabida faraha badan waxay caajis geliyaan cibaadada qofka.

17. wax yaabaha  waajibta tahay in laga dheerado, iska deynta sigaarka maalintii aad iska dayso waxay mar khaati u tahay in aad iska dayn karto habeenkiina, iska ilaali heesaha waayo qalbiga ayay fasahaadiyaan waxay ku beeran qalbiga murugo iyo hami, Ka dhigo bisha ramadaan fursada aad kaga takhalustid daawashada filimada iyo barnaamujyada taxanaha ah ee ka soda tv yada, iska ilaali kaftanka faraha badan wuxuu ku dhaxalsiinayaa qalbi engeg, Hala saaxiibin dadka ehlu xumaanta ah hadii kale iyagoo kale ayaad noqonaysaa, suuqyadu waxay ka mid yihiin baqcada dhulka ugu sharka badan iska ilaali joogintaankooga adiga oo dan u lahayn, dhex gelida dumarka gayaankaga ah waa wax yaabaha  inta badan sababa sharka iyo fasahaadka, iska ilaali afxumada waayo waxay daciifinaysaa xasanaadka soonkaaga Nabigu (CSW) waxa uu yidhi (Qofka aan iska dayn afxumida ee la yimaada jaahilnimo illaahay baahi uma qabo in uu iska daayo qofkaasi cunta iyo cabidaanka) waxa wariyay Bukhaari.

COMMENTS
Latest News