ceerigaabo.COM
Salaadda
- Written by a9xcg

Salaaddu waa cibaado(1 )ka kooban akhrin (Quraan , Alla waynayn,Alla nasahaad,Alla baryid) iyo falal gaar ah(Rukuucid(2) , Sujuudid(3)). Kuna furanta (bilaabanta) waynaynta Eebbe korree oo waynaaye (Allaahu Akbar/Ilaah baa wayn), kuna dhammaata (xidhanta) salaama naqsi (Assalaamu Calaykum/Nabadgalyo korkiinna ha ahaato).
Waa udub dhexaadka diinta ,la’aanteedna diintu dhismayn sida uu Rasuulkeennii naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye inoo caddeeyay isagoo yidhi:-(Arrinka madaxiisu waa Islaamka,udubdhexaadkiisuna waa Salaadda ,baarka kuruskiisuna(figtiisa korena) waa u halganka Jidka Ilaahay).
Ilaalinteeda iyo dhawristeeda xilliyeedna (waqtiyada salaaddu) waa waajib saaran qof kasta oo muslin ah xaalad kasta oo uu ku jiraba.Eebbe korree oo waynaaye oo inna faraya ilaalnteedana wuxuu yidhi:- (Ilaaliya Salaadaha iyo Salaadda dhexe(Casar), una istaaga dar Eebbe idinkoo yeeli (khushuucsan),haddii aad cabsataana idinkoo lug ah,ama gaadiid fuushan (tukada), markaad nabad heshaana xusa Eebbe sida uu idiin baray waxaydaan aqoonin) [Suuradda Albaqara (Suuraddii Saca) 238–239].
Salaaddu waa xilkii cibaadooyinka ugu horreeyay ee uu Eebbe nasahnaa oo korreeye saaray addoomadiisa , iyadoo uu xilkaas si toos ah u soo faray Rasuulkeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye habeenkii la dheelmiyay ,samooyinka korana la geeyey , ummaddiisana ugu soo dhiibay xilkaas iyadoon cidi u dhaxayn.
_________________________
1-Cibaadadu waa wax kasta oo fiican oo Ilaahay dartii loo sameeyo sida :- Salaadda, Soonka, Sakada (Sadaqada), tagista Xajka, u samafalka dadka tabaalaysan,u halganka jidka Eebbe, faritaanka wanaagga iyo reebidda xumaanta, barista dadka aqoonta Eebbe ku baray iwm.Cibaadaduna waa wixii Eebbe adduunkan dartii u abuuray .Eebbe nasahnaa oo korreeye wuxuu yidhi:-(Umaanan abuurin Jinka iyo Insiga(dadka) inay i caabudaan mooyee).
2.Rukuucdu waa fal Salaadeed ka mid ah falalka ay Salaaddu ku dhammaystirmayso, waxaana uu qofka muslinka ahi sameeyaa marka uu akhriyo Suuradda Faataxada iyo Quraankii kale ee u fududaada kaddib, waana foorarsi qufku uu jilbihiisa ku qabsanayo gacmihiisa ,dhabarkiisana uu simayo, iyadoo labadiisa lugoodna waxogay kala durugsan yihiin, isagoo odhanaya (Subxaana Rabbiyal Cadiimi Wabixamdihii=Rabbigayga wayn baa ku nasahan mahadiisa).
3.Sujuuddu waa fal Salaadeed la sameeyo Rukuucda kaddib ,iyadoo uu qofku saarayo dhulka foodda wajiga,sa-nka,gacmaha(calaacalaha),jilbaha iyo faraha lugaha, iyadoo faraha gacmuhu la siman yihiin wajiga,isla markaana waxogay kala furaya garbaha,isagoo odhanaya (Subxaana Rabbiyal Aclaa Wabi Xamdihii=Rabbigayga korreeya baa ku nasahan mahaddiisa).
____________________________
Asaxaabigii1 la odhan jiry Anas binu Maalik Ilaahay ha ka raalli ahaadee wuxuu yidhi:-(Waxaa salaadda lagu farad(waajib) yeelay Nabaiga naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye habeenkii la dheelmiyay iyadoo konton (Salaadood) ah ,markaasaa la dhimay ilaa laga yeelay shan(Salaadood), markaasaa loo dhawaaqay (nabaiga naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye) oo la yidhi:- “Maxamadow; Hadalka agtayda lama beddelo, shantaas waxaad ku leedahay (abaalmarinta) konton(Salaadood)). [Waxaa wariyay Axmad ,Annisaa’i iyo Tirmiidi oo saxay].
Waa tiirka labaad ee lammaaneeya qiritaanka addoonku qiro kelinimada Eebbe iyo xaq u yeelashada cibaadada uu Eebbe darteed Jin iyo dadba u abuuray ,sida Eebbe nasahnaa oo korreeye uu Quraanka innoogu sheegay yidhina:- (Umaanan abuurin Jinni iyo dadba inay i caabudaan mooyee) (Suuradda Addaariyaat 56). Iyo qiritaanka in Nabi Maxamad naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye adoonkiisii iyo soo dirihiisii (Rasuulkiisii) uu yahay .Iyadoo isla markaa Salaaddu u noqonaysa addoonka xayndaabkii uu xumaanta ka galayay , sida Eebbe nasahnaa oo korreeye uu innoogu sheegay Quraaanka:- (Akhri (nabiyow) waxa laguu waxyoon oo kitaabka ah, oog Salaadana, maxaa yeelay Salaaddu waxay ka reebtaa (dadka) xumaanta iyo wax la noco , xusidda Eebbaana wayn , Eebbana waa og yahay waxaad samaynaysaan) (Suuradda Al-Cankabuut 45).
Isla markaana u ahaanaysa mid(Salaaddu) gafafka ka maydha ,sida uu yidhi Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye:- (Shanta Salaadood waxay la mid yihiin sida wabi biyo badan oo qulqulaya afaafka midkiin, kuna maydha(qabaysta) maalintii shan jeer). [Muslin baa wariyay]. Iyo Xadiiskii kale ee Rasuulkeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu ku yidhi:-(Shanta Salaadood , iyo Jimce ilaa Jimce , iyo Ramadaan ilaa Ramadaan waxay tirtiraan (gafafka) dhexdooda ah , haddii laga dheeraado(danbiyada) kuwa waawayn) [Muslin baa wariyay].
________________________
1-Asaxaabi (la socde) waa facii ugu horreeyay ee Umadda Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye,nasiibna u yeeshay inay Nabiga Eebbe la soo dhaqmaan , jidna la soo maraan , xilkii ugu ballaadhna ee fidinta diintana dhabarka u ritay ,iyagoo arrintaas ku mutay inay noqdaan faca u khayr badan umaddan ,sida uu nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi 🙁 Waxaa idiinku khayr badan facayga ,markaana kuwa ku sii xiga, markaana kuwa ku sii xiga).
_________________________
Waa xadhiga xidhiidhiya Ilaahay iyo addoonkiisa ,ahna waqtiga uu addoonku Eebbihii ugu dhawaansho badan yahay,sida uu Rasuulkeennu naxariis iyo nabad galyo Eebbe korkiisa ahaataye yidhi:-(Wuxuu addoonku ugu dhawaansho badan yahay (Ilaahay) isaga oo sujuudsan) [Basaar baa soo saaray Ina Mascuud buuna ka soo xigtay waana xadiis saxiix ah]. Waana fal(camal) addoonku qabto ka ugu khayr badan , sida uu Rasuulkeennu inoo sheegay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye isagoo yidhi:-(Toosnaada koobi maysaane,ogaadana in camalladiina(falalkiinna) ay Salaaddu ugu khayr badan tahay, waysaysigana ma dhawro qof mu’min(rumeeye) ah mooyee) [Maalik ayaa kitaabkiisa Mooda’ la yidhaahdo ku qoray].
Iyadoo isla markaana noqonaysa falkii uu addoonku samayntiisa Jannada kula dhex taxtaxaashi lahaa Rasuulkeennii naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye, sidii uu Muslim ka soo wariyay Ina Rabiica Maalik oo reer Aslami ahaa (Rabiica Binu Maalik Al-Aslamiyyi) inuu yidhi:-Rasuulkaa naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye igu yidhi:-(Waydiiso(wax i waydiiso)) , markaasaan ku idhi:- waxaan ku waydiisanayaa inaan Jannada dhexdeeda kugula daanshadaanshoodo , markaasuu yidhi(Rasuulku naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):-(Wax kale miyaadan i waydiisanayn?),markaasaan ku idhi:- Waa intaas, markaasuu yidhi (Rasuulku naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):- (Haddaba adna iigu dadaal naftaadu badsiga sujuudda (Salaadda)).
Waana waxa ugu horreeya Salaaddu ee maalinta Abaal-marinta(Qiyaamada) la waydiin doono in addoonku si fiican u gutay iyo in kale ,waana falka(camalka) addoonka u hagi doona hoygii badhaadhaha(Janada) haddii waxqabadkiisii adduunyo hormoodkiisa oo Salaadda ahi hagaagsnaato,toosnaato si fiicanna u soo gutay, ama u hagi doona hoygii baaba’a(Naarta),haddii waxqabadkiisii adduunyo hormoodkiisa oo Salaadda ahi hallawdo ,si fiicanna u soo gudan waayay , sida uu nabigeenni naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye innoogu sheegay Xadiiskii uu ku yidhi:-(Waxa ugu horreeya ee addoonka waxqabadkiisii(camalkiisii) la warsan(xisaabin) doono maalinta Qiyaame waa Salaaddiisii, Markaa haddii ay hagaagsanaato wuu gudbay (aflaxay) wuuna liibaanay (najaxay),haddiise ay hallowdo wuu hoogay wuuna khasaaray.Haddii uu wax ka dhinnaado faradkiisii (Xilkii lagu waajibiyay),Rabbi waynaa oo sharaf badnaaye wuxuu odhani:-“Eega (fiiriya) addoonkaygu ma leeyahay dheeri (Salaad Sunne1 ah) oo looga dhammaystiro wixii ka dhinnaaday faradka?” . Markaasuu waxqabadkiisa kalana sidaa noqonayaa) [Tirmiidi baa wariyay wuxuuna yidhi waa xadiis fiican].
Waajib ahaanta Salaadduna waxay ku sugnaatay Kitaabka Quraanka ah ee sharafta badan , iyo jidayntii (Sunnadii) Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaata-ye.Haddii aan Quraanka sharafta leh ku horreyno Eebbe waynaa oo korreeye meelo fara badan oo Quraanka ah ayuu innoogu caddeeyey heerka ay Salaaddu tahay inay qof kasta oo muslin ah oo Eebbe iyo rasuulkiisa rumeeyay ka taagnaato(dhawristeeda,qadarinteeda iyo gudashadeeduba).Eebbe nasahnaa oo waynaaye wuxuu yidhi:-(Waxaa liibaanay ruuxii Daahir noqda ,magaca Eebbeana xusa Salaadana tukada) [Suuradda Al Aclaa 14-15].
Waxaa kale oo uu Eebbe korreeye yidhi:-(Salaaddu waxay ku tahay Mu’miniinta Xukun waqtiyaysan)[Suuradda Annisaa’a dhammaadka aayadda 103].
Waxaa kale oo uu Eebbe korreeye yidhi:-(Anigu waxaan ahay Alle Ilaah kalana ma jiro aniga mooyee ee ani i Caabud , Salaaddana u oog xuskayga) [Suuradda Daaha 14].
Waxaa kale oo uu Eebbe korreeye yidhi:- (Salaaddana ooga , Sakadana bixiya, Waxaad u hormarsataan naftiina oo khayr ah waxaad ka helaysaan Eebbe agtiisa ,Eebbena waxaad qabanaysaan(Camalfalaysaan) waa arkaa) [Suuradda Al-Baqarah 110].
Waxaa kale oo uu Eebbe korreeye yidhi:-(Ilaaliya Salaadaha iyo Salaadda dhexe(Casar) una istaaga dar Eebbe idinkoo yeeli(Khushuuci) ) [Suuradda Al-Baqarah 238].
Waxaa kale oo uu Eebbe korreeye yidhi:-(U tuko Eebbahaa dartiis,waxna u gawrac) [Suuradda Al-Kawsar 2].
Waxaa kale oo uu Eebbe korreeye yidhi:-(Waxa liibaanay(dhab ahaan) Mu’miniinta,ah kuwa Salaadda ku Khushuuca) ilaa laga gaadho hadalka Eebbe korreeye uu ku yidhi:- (Waana kuwa Salaadahooda ilaaliya, kuwaasi waa kuwa dhaxli (wanaagga), oo ah kuwa dhaxli (Jannada) Firdawsa kuna waari dhexdeeda) [Suuradda Al-Mu’minuun 1,2——9,10,11].
Rasuulkeenuna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye, Jidayntiisii (Sunnadiisii fal iyo hadalba ahaa) ayuu innagu tusay , Xadiisyo fara badan oo Salaadda waajibnimadeeda caddaynayana waa laga soo wariyay ,waxaana ka mid ah Xadiiskii uu Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ku yidhi:- (Waxaa la i faray (amray) inaan la dagaalamo dadka ilaa ay ka qirayaan inaan Ilaahay mooyee Ilaah kale jirin, iyo in Muxamadna Rasuulkii Ilaahay yahay , iyo inay Salaadda oogaan , bixiyaanna Sakada, hadday sidaas yeelaanna waxaa iga dhawrsoon (reeban) dhiigooda iyo xoolohooda xaqa Islaamku ku leeyahay mooyee, xisaabintoodana Ilaahay baa haya) [Bukhaari iyo Muslin baa wariyay].
Waxaa kale oo uu Rasuulkeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye yidhi:-(Ninka(qofka) iyo gaalnimada waxaa u dhaxeeya ka tagista Salaadda) [Axmad,Muslim,Abuu Daa’uud,Tirmiidi iyo Ina Maajah(Ibnu Maajah) baa wariyay]. Adkaynta uu Salaadda innagu adkaynayo oogisteeduna waxay ahayd dardaarankiisii ugu danbeeyay markii uu dunidan ka sii socday xagga Eebbehiina u noqonayay, isagoo odhanaya:-(Salaadda ,Salaadda (ooga, ooga oo dhawra) iyo ciddii gacantiinnu hantido (u naxariista oo kaalmeeya) ).
Yay waajib ku tahay ?
Waxay waajib (xilsaaran) ku tahay qof kasta oo muslin ah , caqli leh(miyir qaba) oo qaangaadh ah ,sida uu caddaynayo Xadiiskii Caa’isha Ilaah raalli ha ka ahaadee ay soo werisay in Nabigu naxariis iyo naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:- (Saddex qalinkoodu wuu laalan yahay(xil ma saarna)-ka hordaa ilaa uu ka baraarugo, ilmuhuna inta uu ka qaangaadho , ka waalanna ilaa uu ka miyirsanayo-) [Waxaa weriyay Axmed, Asxaabta Sunanta iyo Xaakim oo yidhi:- Wuxuu saxiix ku yahay shardiga labada Sheekh (Bukhaari iyo Muslin), Tirmiidina wuu wanaajiyay].1
Waxaase habboon ilmuhu markuu toddoba jir gaadho in la baro salaadda (habka loo tukado ,shuruudaheeda iyo su-gnaanteedaba),toban jir markuu gaadhan haddii uu tukan waayo in la uleeyo oo gogosha loo diido inuu seexdo isagoon tukan, si uu u qabatimo tukashada Salaadda , uguna toosnaado qalloocna u galin waayo yaraantay toosintu ku habboon tahay ,sida geedkuba in yaraanta lagu toostoosiyo ugu habboon yahay.Sida Rasuulkeennii naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye Xadiis uu ka soo wariyay Cumar Ibnu Shucayb aabihii iyo awawgii uu ku yidhi:-(Fara caruurtiina Salaadda marka ay toddoba jirsadaan ,kuna garaaca (hadday tukan waayaan) markay toban jirsadaan gogoshana u kala rara (gabdhaha iyo wiilasha) ) [ Waxaa wariyay Axmed,Abuu Daa’uud iyo Al-Xaakim , wuxuuna yidhi :- Wuxuu saxiix ku yahay shardiga Muslin].
Muxuu noqonayaa xukunka qofka Salaadda ka taga?
Qofka Salaadda Inkira jiritaankeeda, kana madax adaygaa waa gaal ka baxay diinta Islaamka , sida Eebbe nasahnaa oo waynaaye uu Quraankiisa sharafta badan innoogaga warramay jawaabaha ay kuwa Naarta galaa u celinayaan dadka Jannada gala. Eebbe korreeye wuxuu yidhi:-(Naf walba waxay u xidhan tahay waxay falatay (camal),hase yeeshee midiglayaashu (kuwa buuggooda camal midigta laga siiyay) waxay geli Jannooyin , iyagoo iswaydiin, kuwii danbiilayaasha ahaa , iyagoo ku odhan maxaa idin galiyay Naarta Saqara (la dhaho) , waxay yidhaahdeen (ugu jawaabi) ka mid maanaan ahayn kuwa tukada , mana aanaan ahayn kuwo quudiya miskiinka ,waxaanannu ahayn kuwo la tiimbada kuwa xumaanta tiimbanaya (dhumbanaya) , waxaanannu ahayn kuwo beeniya maalinta abaalmarinta,illaa ay dhabtu nooga timaado (geeridu) ) [Suuradda Al-Muddasir 38-47].
Kase rumaysan Salaadda aanse tukan illaa waqtigeedu ka baxo si kas ah asxaabtii Rasuulka naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye iyagana Ilaah ha ka raalli ahaadee qaar baa gaaleeyey waxaana ka mid ah (Cumar Binu Khaddaab,Cabdillaahi Ibnu Mascuud,Cabdillaahi Ibnu Cabbaas , Mucaad Binu Jabal,Jaabir Binu Cabdillaahi , iyo Abuu Dardaa’a). Raacayaashiina(Taabiciyiintiina) kuwa gaaleeyay waxaa ka mid ah:-Axmed Ibnu Xanbal,Isxaaq Binu Raahweyh,Cabdillaahi Ibnu Mubaarak ,Nakhaci,Al-Xakam Binu Cutaybah,Abuu Ayuub Al-Sakhtiyaani,Abuu Daa’uud Addayaalisi,Abuu Bakar Binu Abii shaybah,Suhayr Binu Xarbi iyo kuwo kale Allaha u wada naxariistee). [ Abdil-Cadiim Al-Mundiri ayaa ku qoray kitaaabkiisa la yidhaahdo Attarqi-ib Wattarhiib/Rajogalin iyo Cabsiin].
“Hormoodada Mad-habuhuna (A’imada) qaar waxay banneeyeen in loo dilo gaalnimo qofkii inta la faro tukashada Salaadda diida balse faradnimadeeda (waajibnimadeeda) aan ka madax adaygayn sida:- Axmed ,Isxaaq iyo Ina Mubaarak .Qolyana waxay yidhaahdeen xad’ ahaan baa loo dilayaa (ee la gaalayn maayo) sida Maalik iyo Shaafici.
Abuu Xaniifa iyo asxaabtiisa iyo Ehlu Daahirku waxay u arkaan in la xidho oo la canaanto(garaaco) ilaa uu ka tukado” [Ibnu Rushdi ayaa ku qoray kitaabkiisa Bidaayatul Mujtahid.. ]
Khilaafkaasina wuuxu la xidhiidhaa habka fahamka Xadiisyada ka soo arooray Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ee qofka Salaadda ka taga gaalnimo ku sheegay sida xadiisyadan hoos ku qoran oo kale:-
1-Jaabir Allaha ka raalli ahaadee waxaa laga soo weriyay in Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-(Ninka (qofka) iyo gaalnimada waxaa u dhaxeeya ka tagista Salaadda) [Kooxdaa warisay Bukhaari iyo Nisaa’i mooyaane].
2-Buraydah Allaha ka raalli ahaadee waxaa laga soo wariyay in Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-(Ballantii noo dhaxaysay annaga iyo iyagu waa Salaadda, markaa kii tagaa wuu gaaloobay) [Shantaa warisay].
3-Cabdillaahi Binu Camar Binul-Caas Allaha ka raalli ahaadee waxaa laga soo wariyay in Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu maalin ka hadlay Salaadda yidhina:-(Ka ilaaliya iyada (Salaadda) waxay u noqotaa maalinta Qiyaamada iftiin,bur-haan (caddayn) iyo badbaado . Kaan ilaalinna uma noqoto iftiin, burhaan iyo badbaado toona,waxaanu maalinta Qiyaamada meel la maraa Qaaruun, Fircoon , Haamaan iyo Ubayyi Binu Khalaf) [Waxaa weriyay Axmed,Dabaraani iyo Ibnu Xabbaan ,sanadkiisuna(cuskashadiisuna) waa fiican yahay].
Iyadoo aynu arkaynno in Xadiisyadaasi caddeeyeen magacdhawga gaalnimo qofkii tukan waaya ayaa culimada sidaa ka soo horjeeddaa waxay soo qaataan Nusuus(weedho) guud sida hadalkii Eebbe korreeye uu ku yidhi:-(Eebbe ma dhaafo in lala wadaajiyo (cid kale Cibaadada) wuuse ka dhaafaa wixii waxaas ka soo hadhay cidduu doono. Ruuxii la wadaajiya Eebbe (cid kale cibaadada), wuxuu dhumay dhumid wayn) [Suuradda An-Nisaa’ -116]
Shawkaani wuxuu yidhi:-“Kii uu Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ku magacaabay gaal , annaguna gaal ayaannu ku magacaabaynaa ,waxna ku kordhin mayno ,waxna ka mala awaali maynno ,waayo wax nagu xambaarayaan jirin”. [Naylul Awdaar 1/287].
Halkaas waxaa markaa innooga cad in jidku kala cad yahay ,caqli laawuhuna keligii uu ku lugo’ayo isdhigasho aan adduun iyo aakhara toona meel marinayn.

COMMENTS
Latest News